Dad ku dhintay Gaari ku rogmaday Duleedka Hobyo (Sawirro)

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Gaari Xamuul siday ayaa ku rogmaday duleedka degmada Hobyo gobolka Mudug, gaarigan oo sidan Shamiito kana yimid Galkacyo ayaa ku gadoomay inta u dhaxeeya Gawaan iyo Hobyo.

inta la xaqiijiyey 4 qof ayaa ku dhintay, halka 5 kalena ay ku dhaawacmeen shilkan, sababta shilkan ayaa lagu sheegay gaariga oo wadada ka baxay, taas oo keentay inuu qalibmo.

Dadka deegaanka ayaa usoo gurmaday dadka waxyeeladu kasoo gaartay shilkan, Wadada gaarigu ku rogmaday ayaa dhawaan la sameeyey, waxaana inta badan isticmaala gaadiidka ku socda degmada Hobyo.