Deg Deg Rw Khayre oo u yeeray Wasiirada Ganacsiga

Wararka Maanta

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa deg deg ugu yeeray inay Muqdisho ku soo laabato Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Khadra Axmed Ducaale oo safar shaqo ku joogta magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Wararka ayaa sheegaya in u yeeridan ay ka dambeysay, kaddib markii Wasiirada Ganacsiga ay soo saartay qoraal ay ku kala direyso Rugta Ganacsiga Soomaaliya, taasoo xiisad kicisay.

Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa la sheegay inuu ka carooday tallaabada ay Wasiirada ku baabi’isay Rugta Ganacsiga, iyadoo aan markii hore lagu soo wargelin Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Ilo wareedyo ayaa u xaqiijinayay xaqiijiyay in Wasiirada Ganacsiga Khadar Axmed Ducaale ay maanta ku soo wajahan tahay magaalada Muqdisho.

Wasiirada Ganacsiga ayaa maalin ka hor u ambabaxday magaalada Nairobi, inta aysan soo saarin qoraalka ay ku kala dirtay Rugta Ganacsiga.

Tallaabada ay qaaday wasiirada ayaa la sheegay inay ku lug leedahay khilaaf u dhaxeeya ganacsato iyo rag siyaasiyiin ah, iyadoo Wasiirada Wasiir kuxigeenka iyo Wasiiru dowlaha ay arrintan isku mowqif ka yihiin.

Lama oga go’aanka uu qaadan doono Ra’iisul Wasaare Kheyre, iyadoo bishii March ee sanadkan uu soo saaray wareegto uu ku aqoonsanayo Rugta Ganacsiga, kaddib markii dib loo doortay hoggaanka rugtaas