Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Soomaliyeed ee Galmudug Abdikariim Xusen Guleed ayaa Kulan La qaatay Safiirada Wadanka ingriiska ufadhisa Soomaliya Ms Harriet Matthews.
Kulanka Safiirada iyo madaxweynaha ayaa looga hadlay arimo ay ka mid yihiin Colaada Galkacayo Waxaana Safiirada dalka Ingiriiska ufadhisa Soomaliya Harriet Matthews Ay ka codsatay Madaxweyne Guleed in Si Sharuud la’aan ah loo joojiyo Dagaalka Galkacayo Madaxweyne Guleed ayaa safiirada usheegay in Galmudug mar waliba diyaar u tahay In ay Si Sharuud la’aan ah Ku soo fadhiisato miiska wadahadalka balse waxaa uu sheegay in madaxda Puntiland ay hurinayaan colaadda Galkacayo.
Sidoo kale safiirada ayaa Madaxweynaha kala hadashay arimaha Doorshooyinka, Ugu Dambeyn kulankan ayaa kusoo dhamaaday Si waangsan.
Comments are closed.