Waa Maxay Ajandaha Kulanka Xildhibaanada BFS Ee Maanta?

Wararka Maanta

Maanta Oo Isniin Waxaa Magaalada Caasimadda Ah Ee Muqdisho Kulan Ku yeelanaya Xildhibaanada Baarlamanka Soomaaliya Kaas Oo Ka Mid Ah Kulamada Caadiga Ah Ee Xildhibaanada Golaha Shacabka.

Xildhibaanada Ayaa Xalay Waxaa Loo Diray Farriin Lagu War-gelinayo In Uu Jiro Kulanka Iyadoona Sidoo Kale Laga Dalbaday Mudanayaasha In Ay Ilaaliyaan waqtiga .

Ajandaha Kulanka Xildhibaanada Ee Maanta Ah aqrinta labaad ee hindise sharciyeedka wax ka badalka hanti dhowrka guud ee Qaranka.

Waxa Aad Loo Adkeeyey Amniga Wadooyinka Ka Ag-Dhaw Xarunta Baarlamanka Soomaaliya Waxayna Ciidamada Ammaanka Ee Halkaasi Ku Sugan Mid Mid U Baarayaan gawaarida Isticmaaleysa Wadooyinka Ka Ag-Dhaw Xarunta Golaha Shacabka.