Deg Deg:- Weerar Qarax ku bilowday oo Shabaab ay ku qaadeen Bariire

Wararka Maanta

Wararka ka imaanaya degaanka Basriire oo Duleedka ka ah Degmada Afgooye ee Gobolka Shabellaha Hoose ayaa sheegaya inuu ka soconayo Dagaal Xoog leh oo u dhexeeya Ciidamada Dowladda iyo Dagaalameyaasha Al-shabaab.

Dagaalka ayaa Waabarigii hore ee Saakay Bilowday,waxaana Al-shabaab Weerarka ay ku qaadeen Ciidamada Dowladda ay ku bilaabeen Weerar loo adeegsaday Gaari laga soo buuxiyay Waxyaabaha Qarxa islamarkaana uu ka xaynayay Qof kaas oo lagu dhuftay Iridka hore ee Saldhiga Ciidamada Dowladda ee Bariire.

Qaraxa ka dib ayaa waxaa Bilowday Dagaal Culus oo Fool ka fool ah,waxaana weli Degaanka Bariire ka socda Dagaalka u dhexeeya Ciidamada Xoogga Dalka iyo Dagaalameyaasha Al-shabaab.

Khasaaraha ka dhashay Dagaalka ayaan wali la ogeyn Dagaalka oo Socda iyo Xilliga oo ah Xili hore oo Dadku aysan soo wada toosin.