Al-Shabaab ayaa sheegay magaca mid ka mid ah raggii ku lugta lahaa weerarkii dhawaan lagu qaaday Madaxtooyada iyo Xarunta Nabad Sugidda Soomaaliya.
Al-Shabaab waxaa ay magaca Ninka waday gaariga ku qarxay agagaarka Hotel Dorpin ku sheegeen Cabdullaahi Sheekh Aadan Sheekh Axmed Guure.
Ninkan oo ay Wareysatay Idaacadda Al-Shabaab ka hor isqarxintiisa ayaa waxa uu sheegay in uu ka dhashay Beesha Marreexaan kana mid ahaa dagaallamayaashii Al-shabaab ee fuliyay weerarkii ay Al-shabaab ku qaadeen magaalada Muqdisho gaar ahaan agagaarka Hotelka Dorpin.
Al-Shabab waxaa sidan oo kale markasta u sheegtaa dadka isqarxiya magacyadooda iyo qabiillada ay ka soo jeedaan.
Weerarkii dhawaan ay Al-shabaab ka geysatay Muqdisho waxaa dadka ku dhintay lagu sheegay dad ka badan 40 Qof oo u badan dad rayid ah.