Dalladda SAFE oo sheegtey in aysan Aqoonsaneyn Natiijada Imtixaanka Dowladda

Wararka Maanta WAXBARASHADA

Waxaa Xafiskiisa Shir  Jaraa’id ku qabtey Agaasimaha Fulinta ee Dallada Waxbarashada ee SAFE Mudane Kayse Mayow  Abo Xuseen ,waxaana uu Shirkiisa Jaraa’id uu ku saabsanaa Natiijadii Imtixaanaadkii ay Dowladda Federaalka  ay ka qaadey Ardeydii dhameysatey Dugsiyada Sare ee  Dalka  sannadka 2017-2018.

Mudane Keyse waxaa uu sheegey in Hay’adda SAFE ay Cabasho weyn ka tahay qaabkii loo qaadey Imtixaanaadka iyo qaabkii Weliba   loo saxay Imtixaanaadkaas waxaana uu sheegey in Hay’adda Waxbarashada ee SAFE   in Wasaarada Waxbarashada  aaney wax la tashi ah kala  sameeyn Habkii loo saxay Imtixaanaadkaas  waxaa uu intaa uu sii raaciyey. 

“Muddo Dhowr  Sanno ah ayaa soo diyaarineyney Ardeydaas sidaa darteed Wasaarada Waxbarashada  Wax Xil ah ama Masuuliyad ah   kama muujin  Habkii  loo qaadey iyo habkii loo saxay Imtixaanaadkaas waxaa uu yiri Agaasimaha “Ardeyda imtixaankooda la saxay cida mas’uuka ka ah waa anaga, mar hadii doorkeenna ay diideen Dhibaatada iyo Cadaaladdarada ardayda soo gaartay waxay noqonaysaa mid ku talagal ah”.  

Agaasimuhu wuxuu intaa ku daray “Hay’adda SAFE oo hooyadii waxbarashada ahayd Ayaan Wasaaradda la wadaagin ama aysan ka talagalin sixida Imtixaanaadka maadaama  aynu nahay Marjicii  Waxbarashada” Wuxuu intaa ku darey  

“hadii aan nahay Hay’adda Waxbarashada SAFE  waxaan u sheegeynaa Bulshada Soomaaliyeed in Imtixaanaadkii Sannadkaan la siyaasadeeyey islamarkaana arday badan mustaqbalkoodana mugdi la galiyey”

Agaasimaha Fulinta Hayadda Waxbarashada SAFE waxaa uu sheegey In Natiijadii Imtixaanaadka ee Wasaaradda  qaadey Sannadkaan aysan Hay’adoodu Aqoonsaneyn waayo buu yiri Imtixaanaadkaas wado  cadaalad ah looma marin. 

Ugu Dambeyn Agaasimaha waxaa uu sheegey in ay la yaab tahay in 5 kun oo ardey Imtixaankaas lagu rido , isagoo sheegey in taas  ay  ku tusineyso sida agaasimaha wasaaradda uu ugu dhaga adeegay doorkeennii Mas’uuliyadeed ee sixida imtixaanka  sidaa Darteed waa Nasiib daro ah in ardey Tiradaa la eg  oo muddo dheer wax la soo barayey in si cadaaladdaro ah loo niyad jabiyo Ciddii sameyseyna  qaadaysa cawaaqibta ka dhalata, isla markaana mar uuna lagula Xisaabtami doono. 

Sannadkaan waxaa Imtixaanaadkii Dugsiyada  Sare u fariistey  in ka badan 25 ku oo ardey,  waxaa Gudbey 20 ku oo ardey halka ay dhaceen  in ka badan 5 kun oo ardey sidaa darteed  Waalidiin fara badan  ayaa   sannadkan aad uga cowdey qaabkii loo saxay Imtiaanaadkii Dowladda  kuwaa Cabashaooda u gudbiyey Daladaha Waxbarashada dalka