Dagaal khasaare geystay oo ka dhacay Warmaxan Shabeelaha Hoose

Wararka Maanta

Dagaal u dhaxeeyay ciidamada dowladda  Soomaaliya iyo  Al-shabaab ayaa saakay ka dhacay deegaanka Warmaxan ee gobolka Shabellaha Hoose.

Dagaalkan ayaa bilowday kadib markii dagaalyahannada Al-shabaab ay weerar ku qaadeen fariisin ay ciidanka dowladda ku lahaayeen deegaankaasi.

Laba ruux ayaa ku nafwaayey dagaalkaasi, iyadoo dhaawaca uu intaasi ka badan yahay.

Goobjooge ku sugan Warmaxan ayaa sheegay in  Al-shabaab ay deegaankaasi daqiiqado  gacanta ku hayeen, islamarkaana halkaasi ay ka qaateen 2 gaari oo dad shacab ah ay lahaayeen.

Shacabka ayaa weli ku jira guryahooda, waxaana la sheegayaa in aysan jirin cid gacanta ku haysa deegaankaasi kadib markii Al-shabaab ay dib uga baxeen.