Ugu yaraan hal qof ayaa ku geeriyooday kadib markii gaari lagu xiray walxaha qarxa uu saaka ku qarxay inta u dhaxaysa isgoysyada Soobe iyo Banaadir ee degmada Hodan magaalada Muqdishu.
Qofka geeriyooday ayaa la warinayaa in ay ahayd haweeney 25 jir ah xaamilo ah oo magaceeda lagu sheegay Idil Muxudiin. Marxuumadda ayaa markii hore dhaawac ahaan loogu qaaday isbitaalka, balse markii dambe waxa ay u geeriyootay dhaawac daran oo kasoo gaaray qaraxa, iyadoo dhaqaatiirtu ay sheegeen in jirkeeda uu aad u gubtay, dhiig baxa badanna uu ku dhacay.
Warar hoose oo aan ka helnay qoyska gabadha ayaa noo sheegay in gaariga qaraxa lagu xiray uu lahaa sayga gabadha geeriyootay, oo kamid ah howl wadeenada Wasaaradda Arimaha Gudaha ee Soomaaliya, balse ay iyadu maanta gaariga kaxayasatay si ay dano gaar ah usoo dhamaysato.
Mar aan isku daynay in aan la hadalno sayga gabadha ayaysan noo suuragalin, maadaama uu ka gaabsaday in uu warbaahinta kala hadlo dhacdadan.
Booliska Soomaaliya ayaa sheegay in ay baarayaan dhacdadan oo argaggax ku abuurtay dad badan. Balse sida muuqata booliska ayay ku adkaatay in ay joojiyaan ama ka hortagaan qaraxyada ka dhacaya Muqdisho ee ay fuliyaal al-Shabaab.
Ururka al-Shabaab ee ka dagaalama Soomaaliya ayaa inta badan bartilmaamedsada shaqaalaha Dowladda Soomaaliya, iyadoo boqolaal shaqaalaha dowladda ah lagu dilay qaraxyo gawaari loogu xiray amaba dil toos ah oo bastoolado loo adegsaday.