Dab Khasaare geystay oo ka kacay Suuq ku yaalla Muqdisho

Wararka Maanta

Waxaa lagu guuleystay in la damino dab xalay  ka kacay suuqa weyn ee degmada wadajir Abaaro 12:30 saq dhexe, waxaana dabkaasi uu burburiyay qeybo ka mid ah suuqa gaar ahaan halka lagu Magacaabo Qandallada.

Markuu dabku kacay waxaa si deg deg ah u gaaray goobta Kooxaha Gurmadka deg dega ah, kuwaasoo xalay saqdhexe ku guuleystay in ay damiyaan dabka.

Si rasmi looma xaqiijin karo waxyaabaha sababay dabka iyo Khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay, waxaana maamulka gobolka Banaadir ay sheegeen in ay tirakoob ay ku sameyn doonaan Khasaaraha dabka.

Taliyaha Saldhig Galbeed ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Maxamed Daahir ayaa warbaahinta u sheegay in baaritano lagu sameyn doono waxyaabaha soo celceliyay gubashadda Suuqyadda Muqdisho, islamaraana la xisaabtami doonaan Shirkaddaha Korontada.

Gudoomiye ku xigeenka dhanka amniga iyo Siyaasadda gobolka Banaadir Maxamed Cabdullaahi Tuulax ayaa sheegay in uu si aad ah ugu mahadcelinaayo Kooxaha gurmadka deg dega ah oo ay ku horreyso Shirkadda oo Hormuud oo dadaal badan ku bixiyay in dabka uusan gaarin Goobo kale oo ka mid ah Suuqa.