C/weli Muudey “Dastuurkii saxda ahaa waa la xaday”

Wararka Maanta

Guddoomiye kuxigeenka 1aad Golaha Shacabka ahna Kusimaha Guddoomiyaha C/weli Ibraahim Sheekh Muudey ayaa sheegay in Dastuurka hadda lagu dhaqo dalka uusan aheyn kii saxda ahaa ee ay ansixiyeen Ergada Soomaalida sanadkii 2012.

C/weli Muudey ayaa sheegay in Dastuurkii saxda ahaa la xaday oo aan la ogeyn meel lagu sheego sida uu hadalka u dhigay.

Waxaa uu sheegay in Dastuurka qabyada ee Soomaaliya uu yahay mid laga soo turjumay afaf qalaad, isagoo ku baaqay in la xafido dastuurka howshiisa socoto.

“Dasturuka hala ilaaliyo, sida kii hore loo xaday oo kale yaa la waayin, dastuurka aan hada ku shaqeyno ma ahan kii saxda ahaa ee Ergada Soomaaliyeed ay ansixiyeen, anaga indhoole ma nihin, caqli la’aan ma nihin waa ognahay, haddii loo baahdana waa la heli karaa dadkii ka dambeeyay”ayuu yiir C/weli Muudey oo ku baaqay in dastuurkan la xafido.

Wasaaradda Dastuurka iyo Guddiyada ku shaqada leh dib u eegista Dastuurka ayaa wada kulamo wadatashi ah oo looga gol leeyahay in dastuur aan qabyo aheyn oo loo dhan yahay la qoro.