SAWIRO: Shabaab oo laga saaray deegaano ka tirsan Jubbada Hoose

Wararka Dibadda

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya iyo kuwa Maamulka Jubbaland ayaa  Al-shabaab ka saaray degaano ka tirsan gobolka Jubbada Hoose.

Taliyaha Qeybta 43Aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya General Cali Maxamed Maxamuud (Bogmadow) ayaa sheegay in Howlgal qorsheysan ay fuliyeen Ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa Daraawiishta Jubbbaland ay Al-shabaab ka saareen degaanada Canjeel Beerxaani iyo Janaay Cabdalla.

General Bogmadow ayaa tilmaamay in Al-shabaab qasaaro dhimasho iyo dhaawac lagu gaarsiyay Howlgalkaasi, waxa uu xaqiijiyay dhimashada 10 dagaalyahano oo ka tirsan Al-shabaab isagoona dhaawaca uu sheegay in ay gaarayaan 22 dagaalyahano iyo Horjogayaal

ugu Dambeyntii S/guudto Bogmadow ayaa sheegay in dagaalka Al-shabaab looga qabsaday Afar gadiid oo ah kuwa dagaalka iyo hub fara badan.