Daawo:Xildhibaan Saabir”Madaxwaynahu Sidii Qalbi-dhagax ayuu idiin iibsanaa hadaanaan hor istaagin

Wararka Maanta

Xildhibaan Cabdi Saabir Nuur Shuuriye oo ka mida labadii Xildhibaan ee Xeer ilaaliyaha Qaranku ku edeyay qiyaano qarax iyo Dowlada dumis ayaa sheegay in aan laga fiirsan waxyaabaha lagu edeyay sax ahaanshahooda.

Xildhibaan Cabdi Saabir ayaa tilmaamay in macnaha qaran dumis aysan aheyn wax sahlan oo qof kasta lagu edey karo balse ay arintaasi sharciga ku kala bixi doonaan cid kasta oo qeyb ka ah abaabulkeeda.

Dhanka kale waxuu Sheegay in Madaxwayne Farmaajo wuu Qaladaad badan oo Dastuuri ah Xilkana uu ku wayn karo hal qalad uu ka galo Sharciga Dalka Waxuuna soo Hadal qaaday Dhiibistii Cabdi Kariin Shiikh Muuse (Qalbi-dhagax) iyo Weerarkii Siyaasi C/raxmaan C/Shakuur Warsame.

Xildhibaan Saabir oo ka hadlayay Arinta Qalbi-dhagax ayaa yiri”Madaxwaynaha hadaanaan idinka hor joogin Sida Qalbi-dhagax oo kale ayuu mid mid idiin iibsanaa”

Daawo muuqaalka