Wararka laga helayo Magalada Dhuusamareeb ee Xarunta Gobolka Galgaduud ayaa waxaa ay sheegayaan in duhurnimadii maanta garoonka diyaaradaha ugaas nuur ee magaalada dhuusamareeb ay ka degatay diyaarad siday Ciidamo Boolis ah oo xamar laga qaaday.
Ciidamada gaaray magaalada Dhuusamareeb ayaa la sheegay inay ahaayeen ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee loo yaqaan Haramcad.
Ciidamadan ayaa la sheegay in ay qayb ka noqonayaan Booliska sugaya Ammaanka Shirka Dib u Heshiisiinta Dhuusamareeb.
Wararka ayaa waxa kale oo ay sheegayaan in galabtay magaalada Dhuusamareeb ay gaaraan ciidamo AMISOM ah gaar ahaan kuwo kasocda dalka jabuuti.
Ciidamadaan oo fadhigoodu ahaa magaalada beledwayne ee xarunta gobolka hiiraan ayaa usoo ruqaansaday saakay dhinaca dhuusamareeb kadib markii uu isla maanta gaaray magaalada dhuusamareeb wafdi uu hogaaminayo taliyaha guud ee ciidanka amisom ticabu yilma.
Wixii war ah oo kasoo kordha xaalada magaalada dhuusamareeb kala soco ceelhuur online