Qarax ka dhacay degmada Bardaale

Wararka Maanta

Khasaare kala duwan ayaa ka dhashay qarax ciidamada dowladda Soomaaliya lagula eegtay degaano ka tirsan Gobolka Baay ee Koonfurta Soomaaliya.

Qaraxa ayaa ka dhacay degmada Bardaale sidda ay xaqiijiyeen dadka degaanka, waxaana lala eegtay Ciidamo howlgallo waday.

Dadka ayaa xaqiijiyay qarax miino oo ciidamada  lala eegtay inuu ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, kadib markii gaari noociisa uu yahay Cabdi Bile uu Qaraxu qabsaday.

Qaraxa ayaa waxaa ku dhintay hal ruux, sidoo kalena waxaa ku dhaawacmay saddex kale qofka qaraxa ku dhintay ayaa lagu magacaabi jiray Kabtan Falar Liibaan oo ka mid ahaa Golaha degaanka Degmada Bardaale.

Waxaa kale oo qaraxaasi ku dhaawacmay saddex ruux oo askar ah, kuwaasi oo dhaawacyadooda loo qaaday Isbitaalka Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay.

Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa ku safra degaano ka tirsan Gobolka Baay oo ay ku sugan yihiin, iyadoo xilliyada qaar ay dhacaan qaraxyada noocaan oo Shabaab ay u dhigaan ciidanka.

Xigasho: Risaala