Waxaa maalmahaan ka socday Xarunta kafaalo ee Magaalada Cadaado mushaar bixinta ciidanka Xoogga dalka gaar ahaan qeybta 21-aad oo ka howlgasha gobolada dhexe, Mushaarkan ayaa waxaa ciidanka ugu deeqday dowlada imaaraatka carab, waxaana howshan fulisay shirkad Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Gorgor.
Ciidamadan ayaa loo qeybiyey mushaarka 5 bilood ah, Abaanduulaha Qeyba 21-aad G/Sare Cabdullaahi Aadan Xuseen (Cirro) oo saxaafadda la hadlay ayaa u mahad celiyey dowlada Imaaraatka Carabta, waxa uuna intaa ku daray in ay ciidanka u baahan yihiin dhismaha Xeryaha ciidamada.
Comments are closed.