Dagaal goor dhow ka bilowday duleedka Godinlabe

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Waxaa goordhow dagaal xoogani ka qarxay duleedka koofureed ee Magaalada Godinlabe, waxaana dagaalkan u dhaxeeyaa ciidamo saaka jidgooyo dhigtay inta u dhaxeysa Godinlabe iyo mareergur iyo ciidanka Nabad suggidda Galmudug.

Dagaalkan ayaa la isku adeegsanayaa hubka nuucyadiisa kala duwan, waxaana uu saameeyn ku yeeshay Magaalada Godinlabe, waxaa gabi ahaanba irdaha loo laabay ganacsiga iyo goobaha adeegga guud.

Ma cadda khasaaraha dagaalka, goob jogayaal aan la xariirnay ayaa inoo sheegay in ay jirto dhismasho iyo dhaawac labada dhinac ah, waxaan joogsaday gaadiidkii isticmaalayey inta u dhaxeysa Godinlabe iyo Mareergur.

Comments are closed.