Xogtii ugu dambeysay dagaalka Bacaadweyne (Sawirro)

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya dagaalkii saaka ka dhacay Magaalada Bacaadweyne koofurta gobolka Mudug, Bacaadweyne waxa ay hoostagtaa degmada Hobyo gobolka Mudug ee bartahama Soomaaliya.

Ururka Alshabaab ayaa saaka weerar ku qaaday Magaalada Bacaadweyne iyo xerada ciidamada Xoogga dalka ee halkaas aan ka fogeyn. dagaalkan ayaa u dhaxeeyey ururka Alshabaab oo halkaas soo weeraray iyo ciidamada deegaanka iyo ciidanka xoogga dalka oo isku dhinac ah.

Alshabaab ayaa la rumeysan yahay in ay xalay saqdhexe ay soo galeen deegaanka, iyagoo weerarkooda bilaabay saaka aroortii , waxaana ciidanka Alshabaab isku qeybiyeen laba kooxood, kooxda koowaad ayaa ka howgashay gudaha magaalada Bacaadweyne, iyaga oo dilay dad shacab, sidoo kalena waxay dagaal adag la galeen ciidanka deegaanka, dagaalka oo muddo saacadaha socday ayaa Alshabaab kula wareegeen 3 gaari oo tikniko ah.

Dhanka kale xerada ciidamada Xoogga dalka waxay Alshabaab ku weerareen  gaari qaraxa sida aan xogta ku helnay, iyagoo ciidan kooban oo xerada ku sugnaa la dagaalameen, waxaana Alshabaab  qabsadeen xerada , wayna horey u qaateen 2 gaari oo tikniko ah.

Dagaalka oo soo gabangaboobay barqanimadii maanta ayaa Alshabaab dib uga baxeen deegaanka iska caabin kala kulmeen gudaha magaalada kadib markii ciidan gurmad ah ku biireen dagaalka, dagaalka dambe ayaa ka dhacay inta u dhaxeysa Bacaadweyne iyo Camaara, waxaana halkaas Alshabaab looga reebay 1 gaari oo tikniko ah oo ay kasoo dhaceen xerada Milatariga, sidoo kale waxay Alshabaab goobta uga carareen meyd iyo askar nool oo la xaqiijin tiradooda.

Sidoo kale Alshabaab ayaa miinooyin ku aasay wadooyinka soo gala Bacaadweyne, waxaana warar goordhow na soo gaaray sheegayaan in gaadiid dagaal oo ay leeyihiin ciidanka Galmudug oo gurmad ah miino kula qaraxday wadooyinka soo gala Bacaadweyne

Kooxaha ku dagaalamay halkaas ay mid walba guulo ka sheegtay dagaalka, waxaana adag xogaha sugan ee laga helo khasaaraha kala gaaray labada dhinac, wixii kusoo kordha waan idinla socodsiin doonaa.