Christian Benteke Oo £40m Ugu Dhaqaaqaya Shiinaha

Ciyaaraha

nintchdbpict000288122102

Weeraryahanka Crystal Palace ee Christian Benteke ayaa lagu soo waramayaa inuu helay dalab koox Chinese ah oo ka ciyaarta horyaalka Super League si uu ugu biiro bishan.

26-sano jirkaan, oo kaga soo biiray kooxda Eagles naadiga Liverpool xagaaan, ayaa waxaa dooneysa Beijing Guoan iyadoo diyaar la ah heshiis gaaraya £ 40m, sida laga soo xigtay The Sun.

Kooxda ayaa sidoo kale diyaar waxay u yihiin inay kor u qaadaan mushaarka todobaadlaha ah oo iminka ah £ 100,000 iyagoo gaarsiinaya £ 165,000 – sanadkiina waxa uu noqonayaa £ 8.5 .

Kooxda Beijing aayaa suuqa ugu jiran xiddig magaca leh bishan, iyagoo doonaya inay la tartamaan Shanghai SIPG iyo Shanghai Shenhua, kuwaas oo hore u dhameystirtay hishiisyada Oscar iyo Carlos Tevez.

Benteke ayaa dhaliyay sideed gool 17 kulan uu u saftay Palace xilli ciyaareedkan, oo ay ku jiraan shan gool sagaalkii kulan ee ugu danbeysay.

W/D Hafsa Haji