Chelsea Oo 26 milyan Ku Dooneysa Edin Dzeko

Ciyaaraha

Chelsea ayaa ugu baaqday Roma inay 26 milyan oo ginni kula soo wareegto weeraryahanka kooxda Manchester City Edin Dzeko, sida lagu sheegay warbixin.

31 jirkaan ayaa ku jira wadahadalo dhexmaraya labada kooxood bishii Janaayo, iyadoo Blues ay dooneyso inay soo xero galiso bartilmaameedkooda.

Si kastaba ha ahaatee, agaasimaha kubada cagta ee Monchi ayaa Arbacadii sheegay inaysan jirin dalabyo ku filan oo laga helay Dzeko, kaasoo dhaliyay goolkii barbaraha  1-1 ee kulankii ku dhamaaday ee Sampdoria.

Sida laga soo xigtay Sky Sports News, weeraryahankii hore ee Manchester City ayaa sidoo kale la fahamsan yahay inuu doonayo mushahar dhan 90 kun ginni isbuucii, waxaana qandaraaskiisu uu dhacayaa ilaa iyo xagaaga 2021.

Chelsea ayaa lala xiriirinayay weeraryahanada West Ham United Andy Carroll iyo Ashley Barnes oo ka tirsan Burnley intii lagu jiray suuqa kala iibsiga bishii Janaayo.