Antonio Conte Oo Xaqiijiyay In Alvaro Morata Uu Soo Laabtay

Ciyaaraha

Tababaraha Chelsea Antonio Conte ayaa xaqiijiyay in Alvaro Morata uu ku dhow yahay inuu ku soo laabto kulanka sabtida ee Premier League ay la ciyaarayaan Southampton garoonka Stamford Bridge.

Morata ayaa seegay kulankii kooxdiisa ay 3-1 kaga badisay kooxda Huddersfield Town habeenkii talaadada sababo la xiriira dhibaato dhaawac, waxaana la aaminsan yahay in xiddiga heerka caalami ee dalka Spain inuu sidoo kale seegi doono kulanka ay la leeyihiin Saints.

Conte ayaa shaaca ka qaaday in weeraryahanka uu wali xanuunsan yahay, lakiin macalinka talyaaniga ah ayaa rajeynaya inuu gooldhaliyahooda ugu sareeyo kulankaan isbuuca soo socda uu  taam u noqdo.

“Waa uu fiicanyahay, waxa uu tababar nala qaatay labo maalmood , shalay iyo maanta, xanuunkan waa dhabarka , lakiin waxa uu ku jiraa kulanka berri” ayuu Conte u sheegay suxufiyiinta.

Morata ayaa dhaliyay 10 gool waxaana uu afar gool caawiyey 22 kulan tartamada oo dhan xilli ciyaareedkan.