Daacishta Soomaaliya oo adeecay Amiirka cusub ee kooxda Daacish

Kooxda Daacish faraceeda Soomaaliya ayaa war murtiyeed ka soo saaray geeridii Hoggaamiyihii Kooxdaas Abuubakar Al-Baqdaadi, kaasoo bishii la soo dhaafay lagu dilay weerar uu Mareykanka ku qaaday goob uu ku sugnaa oo ku taala waqooyiga Suuriya. War mrutiyeedka ka soo baxay Kooxda Daacish-ta Soomaaliya ayaa lagu sheegay inay u hoggaansamayaan awaamiirta hoggaamiyaha cusub ee Kooxda […]

Continue Reading

Shir looga hadlayo arimaha Soomaaliya oo maalinkii 2aad kasocda Qatar

Waxaa Maalintii labaad ka socda Magalada Doxa ee dalka Qatar Shirka Kooxda isku-xirka Soomaaliya ee Ururka Iskaashiga Islaamka ee heerka Wasiiro Arrimo dibadeed,kaas oo shalay ka furmay halkaas loogana hadlayo Arrimaha dalka Soomaaliya. Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka dalka Qatar ahna Wasiirka Arrimaha dibadda dalkaas Maxamed C/raxmaan Al-Thani  ayaa shirka ka sheegay in raja weyn laga qabo […]

Continue Reading

Diyaarad sida Ciidamo horleh oo katirsan Booliska gaarka ah oo Dhuusamareeb ka dagtay

Dowladda Soomaaliya ayaa ciidamo hor leh oo ka tirsan Booliska gaarka u tababaran ee loo yaqaano Haramacad waxay saaka geysay magaalada Dhuusamareeb, kuwaasoo diyaarado looga qaaday Muqdisho.   Sida wararku sheegayaan ciidamadan ayaa ku biiraya ciidamadii horay u joogay magaaladaas ee isugu jiray Booliska gaarka u tababaran ee Haramcad iyo Ciidanka DANAB ee ka tirsan […]

Continue Reading

Wasiir Sabriye “Dhaqanka Ahlusuna ka muuqdo waa dib u noqosho, ha sababina in aad Galmudug Fashilisaan”

Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Xukuumadda Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye ayaa uga digay Ahlusuna inay fashiliyaan hannaanka geeddi socodka dhismaha Maamulka Galmudug.   Mr Sabriye oo xalay ka hadlayay magaalada Guriceel ayaa sheegay in sida ay haatan wax u wadaan Ahlusuna aanay ka turjumeyn arrimihii masiiriga ahaa ee go’aanka laga gaaray. “Waxa aan arkeyno maanta ma […]

Continue Reading

Wasiir Maareeye oo xilalkii ka qaaday Agaasimayayaal

Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa xilka ka qaaday Agaasimihii Radio Muqdisho C/fataax Daahir Jeyte, waxaana xilka Agaasimaha Radio Muqdisho loo magacaabay Yaxye Cali Faarax. Sidoo kale Agaasimihii Telefishinka SNTV ayaa waxaa laga qaaday Liibaan Cabdi Cali, waxaana loo magacaabay Faarax Salaad Dharaar. Agaasimaha Wakaaladda Wararka ee SONNA ayaa loo magacaabay Cali […]

Continue Reading

Ciidamada Dowladda oo la wareegay Guriceel

Wararka ka imaanaya magaalada Guriceel gobolka Galgaduud ayaa sheegay in ay gudaha magaalada isaga baxeen ciidankii Ahlu Sunna, waxaa saaka saldhiga magaalada iyo goobaha muhiimka ah lagu arkayey ciidamada Dowladda. Dad weyne farabadan ayaana isugu soo baxay bartamaha magaalada. Ciidankii Ahlu Sunna ayaa la sheegayaa inuusan ka fogeyn magaalada, lamana oga ujeedada bixitaankooda. Sidan oo […]

Continue Reading

Israsaasayn kooban oo caawa Gurceel ku dhexmartay ciidanka Dowlada iyo kuwa Ahlusunna

Wararka laga helayo Guriceel ayaa sheegaya in is rasaaseyn kooban ay caawa ka dhacday degmadaas, taasoo ka dhalatay gaari dagaal oo ay lahaayeen Ahlusuna oo isku dayay inuu u goosto dhanka ciidanka dowladda.   Sida wararku sheegayaan Ciidanka Ahlusuna ee ku sugnaa Saldhiga Booliska Guriceel ayaa la sheegay in iyagoo eryanayay gaariga ka baxsaday ay […]

Continue Reading

Golaha shacabka oo ansixiyay xisaab xirka miisaaniyadii 2017

Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ayaa maanta ansixiyay xisaab xirka miisaaniyada sanadka 2017, taasoo aheyd miisaaniyadii u horeeysay ee dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Farmaajo.   Kulan maanta Xildhibaanada Golaha Shacabka ku yeesheen xarunta Villa Hargeysa ayaa lagu horkeenay xisaab xirka Miisaaniyadda sanadka 2017, taasoo horay Baarlamaanka dib ugu celiyay Wasaaradda Maaliyadda, kaddib qaladaad laga […]

Continue Reading

Deg deg:Kolonyo ciidan oo galbinayay wafdiga wasiirka arimaha gudaha Soomaaliya iyo ciidanka Ahlusuna oo dagaal ku dhexmaray Matabaan

Wararka naga soo gaaraya degmada matabaan ayaa sheegaya in Kolonyo gaadiid oo uu la socday Wasiirka Arimaha Gudaha DFS Cabdi M. Sabriye lagu rasaaseeyey degmada Matabaan gobolka Hiiraan. Waxaana halkaas ka dhacay dagaal kooban oo dhexmaray ciidankii galbinayey Wafdiga iyo ciidanka Ahlu Sunna. Ciidanka Dowladda ayaa si buuxda ula wareegay magaalada, waxaana wafdiga Wasiirku ku […]

Continue Reading