Home » Wararka Galmudug » Sawirro: Wafdi ka socda WFP & Safaaradda Talyaaniga oo gaaray Hobyo Date :December 6, 2017 Author :admin

Sawirro: Wafdi ka socda WFP & Safaaradda Talyaaniga oo gaaray Hobyo

Garoonka diyaaradaha magaalo xeebeedka Hobyo maanta ka dagtay diyaarad siday wafdi ka socda hay’adda qaramada midoobay u qaabilsan cunta WFP iyo xubno ka socda safaaradda Talyaaniga. Wafdigan ayaa sidiiran waxaa garoonka ugu soo dhaweeyey Madax ka tirsan Galmudug iyo maamulka Degmada.

Wafdigan ayaa loo galbiyey gudaha magaalada halkaas oo ay kulan kula qaateen Masuuliyiinta, saraakiisha WFP ayaa u tagay Hobyo si ay u kormeeraan mashaariic halkaasi ka socota oo ay maalgaliyaan iyo qiimeyntii ugu dambeysay sida ay mashaariic balaaran uga fulin lahaayeen halkaasi. sidoo kale WFP ayaa daneynaysa in mucaawinada u socota deegaanada Galmudug laga soo dajiyo dekekada Hobyo.

Dhanka kale Xubnaha ka socday safaaradda Talyaaniga ayay aheyd markii ugu horeysay ay halkaasi tagaan, iyagoo sheegay in deegaanada Galmudug ka fulin doonaan mashaariic ay ka mid yihiin dhismaha Xabsi weyn iyo taageeridda hay’adda cadaalada iyo kuwa amniga.

1,187 total views, 2 views today

Aragtidaada ka dhiibo