Home > Wararka Maanta > Golaha shacabka oo ansixiyay xisaab xirka miisaaniyadii 2017

Golaha shacabka oo ansixiyay xisaab xirka miisaaniyadii 2017

Wararka Maanta

 

Kulan maanta Xildhibaanada Golaha Shacabka ku yeesheen xarunta Villa Hargeysa ayaa lagu horkeenay xisaab xirka Miisaaniyadda sanadka 2017, taasoo horay Baarlamaanka dib ugu celiyay Wasaaradda Maaliyadda, kaddib qaladaad laga dareemay.

Xisaab xirka Miisaaniyadda ayaa waxaa ansixisay 128 Xildhibaan, halka 8 Xildhibaan diiday, waxaa ka aamusay 5 Xildhibaan.

Waxaa kulanka ka dhex muuqday Wasiirada Xildhibaanada ah ee ku jira Golaha Wasiirada, waxaana ujeedka ahaa inay wax ansixiyaan Miisaaniyadda sanadkii 2017.

Miisaaniyadda sanadkii 2017 oo gaareyso 245, 566,045 ayaa doodo badan ka dhalatay, kaddib markii Xildhibaanada ay ku eedeeyeen Hey’addaha dowladda inay si qaldan loo isticmaalay miisaaniyada qaar, ayna caddeyn xisaab xirka iyo qarashaad maqan halka loo isticmaalay.

Waa xisaab xirkii u horeeyay ee ay sameyso dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Farmaajo oo lagu dhaliilayay in tan iyo markii la doortay aanay xisaab xir miisaaniyad sameyn, iyadoo sanad ka harsan yahay muddo xileedkeeda.

Khamiistii la soo dhaafay ayay aheyd markii Golaha Wasiirada ay ansixiyeen miisaaniyada sanadka soo socda 2020, taasoo gaareysa afar boqol oo milyan.

You cannot copy content of this page
error: Content is protected !!