Home > Wararka Maanta > Israsaasayn kooban oo caawa Gurceel ku dhexmartay ciidanka Dowlada iyo kuwa Ahlusunna

Israsaasayn kooban oo caawa Gurceel ku dhexmartay ciidanka Dowlada iyo kuwa Ahlusunna

Wararka Maanta

 

Sida wararku sheegayaan Ciidanka Ahlusuna ee ku sugnaa Saldhiga Booliska Guriceel ayaa la sheegay in iyagoo eryanayay gaariga ka baxsaday ay is rasaaseeyeen ciidanka dowladda.

Wararka ayaa intaa ku daraya in Ahlusuna ay dib u soo ceshatay gaariga, isla markaana xaalada tahay mid degan.

Ciidanka Ahlusuna ayaa gaariga ka goosan rabay waxaa saarnaa qoriga loo yaqaano B10, waxaana uu ka mid yahay gaadiidka ay caanka ku yihiin Ahlusuna ee horay dagaalo dhowr ah uga qeyb galay.

Is rasaaseynta caawa ka dhacday Guriceel ayaa timid, kaddib markii maanta Ciidanka dowladda ay la wareegeen degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan, halkaasoo horay ay u joogeen Ahlusuna, waxaana degmadaas maanta gaaray Wasiirka Arrimaha Gudaha Cabdi Maxamed Sabriye, inkastoo uu gelinkii dambe ee maanta dib ugu soo laabtay Guriceel.

Xaalad kacsanaan iyo dhaq dhaqaaqyo ciidan ayaa laga dareemayaa degmada Guriceel, waxaana jirta saan saan dagaal oo laga cabsi qabo inay ka dhex qaraxdo Ahlusuna iyo ciidanka dowladda.

You cannot copy content of this page
error: Content is protected !!