Doorashada Galmudug oo dib loo dhigay

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Gudiga doorashada Madaxweynaha Galmudug oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Cadaado ayaa sheegay in doorashada Madaxweynaha dib loo dhigay ilaa 3 bisha May 2017, iyadoo horey loogu madlanaa 30 April.

received_1910013472589070

Gudoomiyaha Guddiga Xildhibaan Maxamed Xasan Geelle ayaa intaa ku daray in dib u dhigistaan ay tahay arimo farsamo, si loo helo waqti ku fulan doorashada, maadama ay wadahadalada Galmudug iyo Ahlu sunno uu waqti badan ku lumay.

Musharixiinta is diiwaan galiyey ayaa kala ah Axmed Shariif Cali Hilowle, Axmed Ducaale Geelle Xaaf iyo Prof C/qaadir Maxamed Shirwac. Musharixiintaan ayaa khudbooyinkooda Barlamaanka ka hor jeedinaya 1 May 2017.

Musharixiinta ayaa bixiyey lacag diiwaan galin ah oo gaaraysa 10,000 dollar ( Toban kun oo dollar). Olalaha doorashada ayaa si rasmi ah uga bilowday magaalada Cadaado.