Sawirro: 14 Ruux oo Shuban Biyood ugu geeriyootay deegaanka Gadoon

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Deegaanka Gadoon oo hoostaga degmada Dhuusamareeb ee Gobolka Galgaduud ayaa todobaadkan waxaa cudurka Shuban biyoodka u geeriyooday 14 qofood.

Sidoo kale dad ku dhow 100 ruux, oo intoo badan la jiifiyey isbitaalka Gobolka galgaduud ee dhuusamareb iyo xarunta caafimaadka Sahed ee Gadoon.

Deegaanka Gadoon ayaa 40 km beri uga beegan degmada Dhuusamareeb, deegaanka ayaa dhibaato ka heysataa wadada oo bacaad ah iyo biyaha oo nadiif aheyn.

Dhanka Hay’ada Swiss Kalmo ayaa gacan ka geysatay la tacaalidda cudurkaan.

Fadlan ka qeybqaado caawinta  dadkan dhibaataysan.

FB_IMG_1493201203577 FB_IMG_1493201207002 FB_IMG_1493201210637 FB_IMG_1493201214413