Madaxweyne Xaaf oo kormeeray Xarumo laga dhisayo Dhuusamareeb (Sawirro)

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo ay wehliyaan Madaxa Xukuumadda Galmudug Shiikh Shaakir iyo Wasiiro ayaa maanta kormeeray xarumo dhismahoodu ka socday Magaalada Dhuusamareeb Caasimadda Galmudug. Madaxweynaha ayaa booqday dhismayaal loogu talagalay in ay maamulku ku shaqeeyaan, waxaana howshaan fulinaya shirka Maxali ah oo  lagu magacaabo Dhaldhis. Madaxtooyada iyo Wasiirada Galmudug ayaa […]

Continue Reading

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug oo Guriceel gaaray

Madaxweyne kuxigeenka Dowlad goboleedka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi ayaa maanta gaaray magaalada Guriceel ee Gobolka Galgaduud. Ujeedada Safarkan madaxweyne ku xigeenka  uu ku tagay magalaada Guriceel ayaa qeyb ka ah dadaalada nabadeed oo uu ka wado waqooyiga gobolka Galgaduud. Madaxweyne ku xigeenka  ayaa lagu wadaa caawa in uu kulamo la qaato qeybaha kala duwan ee […]

Continue Reading

Cadaado: Nin Dhalinyaro ah oo Sameeyey Nal ku shaqeynaya Ileyska Cadceedda (Video)

Ahmed Cumar Sahal waa Nin dhalinyaro ah oo ku nool Magaalada Cadaado, waxa uu ku guuleystay inuu sameeyo Nal ku shaqeeynaya ileyska Cadceedda, Waxaana hirgalinta fikradan ka taageeray Maamulka iyo Ardayda Dugsiga Sare ee Ganacsiga Ileys Magaalada Cadaado. Nalkii uu sameeyey ayaa laga taagay xaafadda Haraaley magaalada Cadaado, halkaas oo aad ugu baahneyd. hadaba sheekada […]

Continue Reading

Daawo: Nabadoona Cadaado oo sheegay in la jabiyey balantii MD Farmaajo

Waxaa maanta shir jaraa’id ku qabtay Hotel Central Magaalada Cadaado Nabadoonada Cadaado, waxa ayna ku nuuxnuuxsadeen in la jabiyey balantii ay horey u wada galeen Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxweyne Maamulka Galmudug Axmed Ducaale Xaaf. Odayaashan ayaa sheegay in saddex qodob oo heshiiska ka mid aheyd lagu xadgudbay, qodobadaas oo kala ah in […]

Continue Reading

Galmudug oo mar kale wajaheysa Xiisad Siyaasadeed.

Kadib markii Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ku soo laabtay Magaalada Dhuusamareeb caasimadda Galmudug, ayaa waxaa soo ifbaxay jahwareer siyaasadeed oo ku wajahan halka lagu qabanayo howsha mideynta labada Barlamaanka. Madaxweyne Xaaf ayaa wada qorshe ah in caasimadda dhuusamareeb noqoto halka lagu mideynayo labada barlamaan, arintaas oo ay reer Cadaado iyo qaar […]

Continue Reading

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug oo socdaal nabadeed ku maraya Waqooyiga Gal-gaduud

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug, Maxamed Xaashi Cabdi (Carrabeey)  iyo wafdi uu hoggaamainayo oo Maalmahan socdaal nabadeed ku marayay degaanno ka tirsan Gal-gaduud ayaa kulamo la qaatay Odayaasha iyo wax garadka Degmada Caabudwaaq. Mudane Carrabeey iyo wafdigiisa ayaa waxay kulamo la qaateen qaar ka mid ah Odayaasha iyo wax garadka degaannadii ay booqdeen, iyagoo kala hadlay sidii xal […]

Continue Reading

Xaflad lagu soo xirayay dhameystirka hishiiskii Galmudug iyo Ahlusuna (Sawirro)

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Galmudug Axmed Ducaale Gelle Xaaf ayaa galabta ugu qayb galay magaalada Dhuusamareeb caasimadda Galmudug  xaflad lagu soo xirayay dhameystirka hishiiskii u dhaxeeyay Galmudug iyo Ahlusuna, waxaana xaflada joogay madaxa Xukuumada Galmudug  Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan, Wasiiro, Xildhibaano, iyo qeybaha Bulshada. Kooxda Waaberi Galmudug ayaa munaasabadda ku soo bandhigay heeso ka turjumaya […]

Continue Reading

Daawo: Kulan loogu duceynayey Marxuum Axmed Diiriye

Magaalada Cadaado ayaa waxaa lagu qabtay kulan loogu duceynayo Marxuum Axmed Diiriye Cali oo todobaadkii hore ku geeriyooday magaalada Muqdisho, Marxuumka ayaa ka mid ahaa Nabaddoonada ugu caansan Soomaaliya, Kulanka ducada ayaa waxaa kasoo qeybgalay Madaxda Galmudug iyo qeybaha Bulshada. halkaan ka daawo Muuqaal aan idinkaga diyaarinay kulanka. Allaha U Naxariisto Marxuumka. aan u duceyno […]

Continue Reading

Daawo: Xafladda Soo dhaweynta Dib u heshiisiinta Madaxweyne Farmaajo ee Galmudug

Magaalada Cadaado ayaa waxaa lagu qabtay Xafladda Soo dhaweynta Dib u heshiisiinta Madaxweyne Farmaajo ka sameeyey deegaanada Galmudug. Munsaabadda ayaa waxaa ka soo qeyb galay Dhalinyaro ka socotay degmooyinka Cabudwaaq iyo Cadaado. waxaana goobjoog ka ahaa la taliyaha Madaxweynaha Soomaaliya dhanka Arimaha Diinta Sheekh Abuukar , wasiiro iyo xildhibaano Galmudug. halkaan ka daawo muuqaalka dhameystiran.. […]

Continue Reading