Galmudug oo mar kale wajaheysa Xiisad Siyaasadeed.

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Kadib markii Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ku soo laabtay Magaalada Dhuusamareeb caasimadda Galmudug, ayaa waxaa soo ifbaxay jahwareer siyaasadeed oo ku wajahan halka lagu qabanayo howsha mideynta labada Barlamaanka.

Madaxweyne Xaaf ayaa wada qorshe ah in caasimadda dhuusamareeb noqoto halka lagu mideynayo labada barlamaan, arintaas oo ay reer Cadaado iyo qaar ka mid ah xildhibaanada Galmudug u arkeen in ay burinayso heshiisyadii horey loo galay oo ay ka mid ahaayeen in Cadaado tahay xarutna Barlamaanka Galmudug.

Sidoo kale waxaa maanta baaqaday Safar uu ku tagi lahaa Caasimadda Dhuusamareeb Gudoomiyaha Barlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir, warar kale ayaa sheegay in Madaxweyne Xaaf u yeeray gudoomiye ku xigeenka 1-aad ee Barlamaanka Galmudug Xareed Cali Xareed oo ku sugan UK, si uu u hogaamiyo howsha mideynta labada Barlamaan haddii Cali Gacal ka dhaga adeygo arintan.

Dhaqdhaqaaqyo Siyaasadeed ayaa ka socda Muqdisho, Dhuusamareeb iyo Magaalada Cadaado, waxaana labadii maalmood ee la soo dhaafay shirar uga socdeen Cadaado waxagarad iyo siyaasiyiin kasoo horjeeda arintaas, sidoo kale Beri ayaa la filayaa in Xildhibaano ka tirsan Barlamaanka Galmudug ay gaaraan Cadaado, iyagoo kasoo horjeeda fikirka Madaxweyne Xaaf. Waxaana sidoo kale Shirar ka socdaan Muqdisho, kuwaas kala taageeraya labada aragti.

Dhanka kale Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi ayaa sidoo kale dhaliilsan sida uu Madaxweyne Xaaf wax u wado, waana sababta keentay inuu ka gaabsado inuu tago caasimadda Dhuusamareeb. xiisadda kasoo cusboonaatay halka lagu mideynayo Barlaamanada Galmudug iyo Ahlu sunna ayaa laga dhursugayaa halka ay ku soo biyo shubato.

Comments are closed.