Madaxweyne kuxigeenka Dowlad goboleedka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi ayaa maanta gaaray magaalada Guriceel ee Gobolka Galgaduud. Ujeedada Safarkan madaxweyne ku xigeenka uu ku tagay magalaada Guriceel ayaa qeyb ka ah dadaalada nabadeed oo uu ka wado waqooyiga gobolka Galgaduud.
Madaxweyne ku xigeenka ayaa lagu wadaa caawa in uu kulamo la qaato qeybaha kala duwan ee bulshada iyo maamulka degmada waxa uuna kala hadlayaa sidii loo dar dargalin lahaa dib u heshiisiinta iyo hormarinta deeganada Galmudug.
Maxamed Xaashi ayaa safar dhulka ku maray Magaalooyinka Galkacyo, Hobyo, Cadaado, Cabudwaaq, Balanbale iyo Guriceel, waxa uuna deegaanada uu booqday kala hadlay dib u heshiisiinta miyi iyo magaalo, Booqashada madaxweyne ku xigeenka ayaa wax weyn ka tartay Nabadeynta deegaanada uu booqday.