Maxamed Xaashi Cabdi Madaxweyne ku xigeenka Dowlad goboleedka Galmudug iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta gaaray Magaalada Dhuusamareeb Caasimadda Galmudug, Xubno isugu jira Wasiiro iyo Xildhibaano ayaa ku soo dhaweeyey Madaxweynaha duleedka Magaalada.
Gudaha Magaalada ayuu kula hadlay Masuuliyin ka tirsan Galmudug iyo qeybaha Bulshada, isagoo uga warbixiyey safar dhul ka ah oo uu ku soo maray Galkacyo, Hobyo, Cadaado, Cabudwaaq, Balanbale, Guriceel. Maxamed Xaashi ayaa la filayaa inuu ku biiro howlaha mideynta Galmudug iyo Ahlu sunna oo uu markii hore dib joog ka ahaa.
Madaxweyne ku xigeenka ayaa safar dhulka ah kaga soo ambabaxay Magaalada Guriceel oo uu shalay galab soo gaaray, isagoo intii uu joogay Guriceel kula kulmay qeybaha Bulshada, wuxuuna kala hadlay nabadeynta beelaha daga Guriceel iyo Balanbale.