Daawo: Cadaado oo looga dhawaaqay Gogosha Badbaadinta Galmudug.

Waxgaradka , Nabadoonada iyo Xildhibaanada Cadaado ayaa maanta shir jaraa’id oo ay qabteen ayey ugu baaqeen beelaha daga Galmudug in ay kasoo qeyb galaan gogosha looga tashano badbaadin Galmudug, gogoshaas oo ay sheegeen in ay ka fidsan tahay Magaalada Cadaado. Waxgaradkan ayaa sheegay in Madaxdii Galmudug ay ururka Ahlu sunna gacanta u galiyeen Maamulkii Galmudug, […]

Continue Reading

Daawo: Tiicey oo si heer sare loogu soo dhaweeyey London

Madaxweynihii hore Maamulkii Ximan iyo Xeeb Maxamed Cabdullaahi Tiiceey ayaa si weyn loogu soo dhaweeyey Magaalada London ee xarunta UK. Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalkaasi ayaa u qabatay Madaxweynaha xaflad lagu soo dhaweynayey. waxaana munaasabadda kasoo qeyb galay qeybaha kala duwan ee bulshada. iyadoo Mr. Tiicey lagu ammaanay inuu dowr fiican ka ciyaaray nabadeynta iyo horumarinta […]

Continue Reading

Shacab kasoo barakacay Alshabaab oo soo gaaray Cadaado

Waxaa saacadihii ugu dambeeyey Magaalooyinka  Cadaado, Baxdo iyo Xinlabi soo gaaray shacab kasoo barakacay deegaano hoos taga degmada Xarardheere. dadkaan ayaa u  badan dhalinyaro ka soo cararay Alshabaab. Ururka Alshabaab oo maamula degmada Xarardheere iyo deegaanada hoostaga ayaa Beesha Saleebaan ku amray in ay keenaan 240 dhalinyaro askar laga dhigo, arinkaas oo ay ka biyo […]

Continue Reading

Faafaahin Duqeyn diyaaradeed oo ka dhacday Ceelbuur

Wararka ka imaanaya degaan duleedka ka ah degmada Ceelbuur ee Gobolka Galgaduud ayaa waxa ay sheegayaan in galabta halkaasi ay ka dhacday Duqeyn diyaaradeed. Duqeyntan ayaa waxa ay si gaar uga dhacday degaanka lagu magacaabo Dac oo 20-KM ujira degmada Ceelbuur, waxaana fuliyay Diyaarado Drones ah. Dadka degaanka ayaa waxa ay sheegeen in Duqeyntan lala […]

Continue Reading

Xaaf”Ciidamada la mideeyay waxay dhowaan weerar ku qaadayaan Al-Shabaab”

Ciidamada dowlad goboleedka Galmudug iyo ciidamada Ahlu Sunna oo dhowaan la isku dhafay ayaa bilaabaya howgal ka dhan ah Al-shabaab Madaxwaynaha maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo kahadlayey munaasabad lagu mideynayey ciidamada Galmudug iyo Ahlu suna oo horey u kala ahaa Ahlu Sunna iyo Galmudug ayaa sheegay in qorshaha Galmudug ay kula dagaalamayso Al-shabaab […]

Continue Reading

Shir looga hadlayey Amniga Galmudug oo lagu qabtay Dhuusamareeb (Sawirro)

Shirkaan looga hadlayey Amniga Deegaanada Galmudug ayaa Maanta lagu qabtay Magaalada Dhuusamareb ee Caasimadda Dawlad Goboleedka Galmudug, waxaana shir gudoominayey Madaxweyne ku-xigeenaka Maamulka Galmudug Maxamed Cabdi Xaashi. Kulanka ayaa waxaa  ka soo qaybgalay taliyeyaasha Ciidamada, maamulka, wasiiro iyo guddoomiyeyaasha Mudug iyo Galgaduud. Madaxweyne ku-xigeenka Maamulka Galmudug Maxamed Cabdi Xaashi ayaa kulanka kadib waxa uu sheegay […]

Continue Reading

Daawo Xeraale : Banaanbax lagu diidan yahay Barlamaanka cusub Galmudug

Deegaanka Xeraale ee gobolka Galgaduud ayaa waxaa ka dhacay Banaanbax looga soo horjeedo Barlamaanka cusub ee Galmudug, Bulshada Xeraale ayaa  diidan in Ururka Ahlu sunna oo dagaal kala dhaxeeyo u soo xulaan xildhibaanada  ay ku lahaayeen Barlamaanka cusub ee Galmudug. Masuuliyiinta iyo qeybaha bulshada oo goobta ka hadlay ayaa aad uga soo horjeestay waxa ka […]

Continue Reading