Wararka ka imaanaya degaan duleedka ka ah degmada Ceelbuur ee Gobolka Galgaduud ayaa waxa ay sheegayaan in galabta halkaasi ay ka dhacday Duqeyn diyaaradeed.
Duqeyntan ayaa waxa ay si gaar uga dhacday degaanka lagu magacaabo Dac oo 20-KM ujira degmada Ceelbuur, waxaana fuliyay Diyaarado Drones ah.
Dadka degaanka ayaa waxa ay sheegeen in Duqeyntan lala beegsaday gaari yaallay Barkontorool oo ay ku sugnaayeen xoogag ka tirsan ururka Al-shabaab, uuna jiro khasaare ka dhashay.
Maamulka degmada Ceelbuur ee Gobolka Galgaduud ayaa waxa ay sheegeen Duqeyntan in lagu dilay Dagaalyahano iyo saraakiil ka tirsanaa ururka Al-shabaab, balse aysan xaqiijin karin khasaaraha dhabta ah.
Xoogaga ururka Al-Shabaab oo Duqeyntan dhankooda ka hadlay ayaa waxa ay sheegeen in dhowr Gantaal lala beegsaday gaari ay saarnaayeen dad shacab ah, laguna dilay ilaa Saddex qof oo laba ka mid ah ay ahaayeen rag, halka mida kalena ay aheyd Haweeney.
Shabaab waxa ay beeniyeen in Duqeyntan lagu dilay xoogag iyaga ka tirsan, waxayna tilmaameen ragga la dilay inay ahaayeen Nabadoon iyo Abwaan, oo lagu kala magacaabi jiray Cali Hareed iyo Abwaan Yuusuf Dhegey.
Comments are closed.