Alshabaab oo Sh. Xasan Yacquub ka badalay gobolka Galgaduud

Xafiiska Siyaasadda Ururka AlShabaabul  ayaa gudoomiye cusub u magacaabay gobolka Galguduud ee dhacda bartamaha dalka Soomaaliya.  Isbedelka dhanka maamulka ah ayaa ka dhacay Galgaduud,  waxaana Gudoomiyaha cusub ee Gobolka loo magacaabay Sheekh Cabdullaahi Abuu Khaalid oo bedelay Sheekh Xasan Yacquub Cali gudoomiyihii hore ee  Galguduud. Munaasabad ka dhacday magaalada Ceelbuur oo ay ka qeyb galeen […]

Continue Reading

Sawirro: Madaxweyne Xaaf oo dib ugu soo laabtay Dhuusamareeb

Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug. Madaxweynaha ayaa safar gaaban ku tagay Dalka Jabuuti waxaana garoonka diyaaradaha magaalada Dhuusamareeb kusoo dhaweeyay Madaxa Xukuumada Galmudug Shiikh Maxamed Shaakir Cali Xasan iyo masuuliyiin kale. Madaxweynaha oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in uu Jabuuti […]

Continue Reading

Xildhibaanada cusub Galmudug oo Kaarkii Xildhibaanimo la siiyey (Sawirro)

Xildhibaanada cusub ee garabka Ahlu sunna ayaa maanta la gudoonsiiyey kaararkooda aqoonsiga xildhibaanimo, Sidoo kale waxaa kulanka ku wehliyey xildhibaanadii hore Galmudug, kulankan ayaa waxaa  shir gudoominayey gudoomiye ku xigeenka 2-aad ee Barlamaanka Galmudug Maxamed Axmed Maalin. Wali waxa aan cadeyn tirada rasmiga ah ee Xildhibaanada Ahlu sunna ka yimid. wararka qaar ayaa sheegaya in […]

Continue Reading

Wasiirka Howlaha Guud DFS oo gaaray Dhuusamareeb (Sawirro)

Magaalada Dhuusamareeb caasimadda Dowlad goboleedka Galmudug waxaa maanta gaaray Wafdi uu hogaaminayo wasiirka Howlaha Guud iyo Dib u dhiska dowladda Federaalka Soomaaliya Eng. Saadiq C/laahi Cabdi, Wasiirka ayaa waxaa garoonka Dhuusamareeb ku soo dhaweeyey wasiiro ka tirsan Dowlad goboleedka Galmudug. Wasiirka ayaa la filayaa inuu shirar la qaato Madaxda Dowlad goboleedka Galmudug iyo qeybaha Bulshada, […]

Continue Reading

Eng Abdulqadir Gentleman oo loo doortay Gudoomiyaha Jaaliyadda Galmudug Dalka Norway

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee kasoo jeeda deegaanada Galmudug ayaa shir ay isugu yimaadeen ku doortay hoggaanka Jaaliyadda Galmudug ee dalka Norway Qaarada Yurub. Shirkan ayaa waxaa kasoo qeyb galay Siyaasiyiin uu ka mid yahay Madaxweynihii hore Maamulkii  Ximan & Xeeb Maxamed Cabdullaahi Aadan Tiiceey iyo waxgarad badan oo ka kala yimid magaalooyinka dalka Norway. Sidoo kale […]

Continue Reading

Daawo: Golaha Midnimada & Badbaada Galmudug oo ku baaqay in la badbaadiyo Galmudug

Golaha Midnimada iyo Badbaada Galmudug oo maanta shir jaraa’id ku qabtay xafiiskooda Magaalada Cadaado ayaa baaq u diray Dowladda Federaalka iyo Xildhibaanada Federaalka ee laga soo doorto Galmudug, iyagoo u baaqay in ay u istaagaan badbaadinta Galmudug, oo sida ay sheegeen Qar ka sii dhaceysa. Shirka Jaraa’id oo dhameystiran halkana ka daawo

Continue Reading

Doorashada Kursigii uu ka geeriyooday Bootaan Ciise oo dhawaan ka dhici doonta Dhuusomareeb

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka Qaranka Xaliimo Ismaaciil Ibraahim (Xaliimo Yarey) ayaa sheegtay in la qaban doono Doorashada Kursi ka banaan Golaha Shacabka oo laga soo doortay Galmudug. Guddoomiyaha ayaa sheegtay in 15-ka bishaan magaalada Dhuusamareeb ay ka dhici doonta Doorashada Kursigii uu ka geeriyooday Allaha U Naxariistee Xildhibaan Bootaan Ciise Caalin, islamarkaana ay […]

Continue Reading

Ugaaska Beesha Ceyr oo guddi u saaray Beelo ku dagaalamay Xananbuure (Sawirro)

Kulan ay galabta iskugu yimaadeen odayaasha dhaqanka, dhaliyrada, culimada diinta, haweenka iyo siyaasiyiinta beesha Cayr ayaa galabta ka dhacay Magaalada Dhuusamareeb Caasimadda Dowlad goboleedka Galmudug. Kulanka ayaa waxaa garwadeen ka ahaa Ugaaska Beesha Ceyre Habargidir Ugaas Xasan Ugaas Maxamed Ugaas Nuur  waxaa looga hadalayay sidii loo dhameyn lahaa colaada mudooyinkanba u dhaxeysay Jufooyin ka tirsan […]

Continue Reading

Akhriso: Tirsigii 61aad ee Wargeyska Gobollada Dhexe ee bisha April 2018

Tirsigii 61aad eeWargeyskaGobolladaDhexe, sanadka 2018, eebishaapril. Waxaan idin la wadaagaynnaa tirsigii 61aad ee Wargeyska Gobollada Dhexe, sanadka 2018, ee bisha April. Wargeyska bishan waxaad kahelidoontaan, warbixin dheer oo ku saabsan; shan sano guurada wargeyska Gobollada Dhexe, qoraal faaqidaya mideynta baarlamannada Galmudug iyo Ahlusunna, qormadii arrimaha bulshada iyo sawirro, ee fadlan si aad uga bogotaan, liilkan […]

Continue Reading