Xildhibaanada cusub Galmudug oo Kaarkii Xildhibaanimo la siiyey (Sawirro)

Xildhibaanada cusub ee garabka Ahlu sunna ayaa maanta la gudoonsiiyey kaararkooda aqoonsiga xildhibaanimo, Sidoo kale waxaa kulanka ku wehliyey xildhibaanadii hore Galmudug, kulankan ayaa waxaa  shir gudoominayey gudoomiye ku xigeenka 2-aad ee Barlamaanka Galmudug Maxamed Axmed Maalin. Wali waxa aan cadeyn tirada rasmiga ah ee Xildhibaanada Ahlu sunna ka yimid. wararka qaar ayaa sheegaya in […]

Continue Reading

Wasiirka Howlaha Guud DFS oo gaaray Dhuusamareeb (Sawirro)

Magaalada Dhuusamareeb caasimadda Dowlad goboleedka Galmudug waxaa maanta gaaray Wafdi uu hogaaminayo wasiirka Howlaha Guud iyo Dib u dhiska dowladda Federaalka Soomaaliya Eng. Saadiq C/laahi Cabdi, Wasiirka ayaa waxaa garoonka Dhuusamareeb ku soo dhaweeyey wasiiro ka tirsan Dowlad goboleedka Galmudug. Wasiirka ayaa la filayaa inuu shirar la qaato Madaxda Dowlad goboleedka Galmudug iyo qeybaha Bulshada, […]

Continue Reading

Eng Abdulqadir Gentleman oo loo doortay Gudoomiyaha Jaaliyadda Galmudug Dalka Norway

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee kasoo jeeda deegaanada Galmudug ayaa shir ay isugu yimaadeen ku doortay hoggaanka Jaaliyadda Galmudug ee dalka Norway Qaarada Yurub. Shirkan ayaa waxaa kasoo qeyb galay Siyaasiyiin uu ka mid yahay Madaxweynihii hore Maamulkii  Ximan & Xeeb Maxamed Cabdullaahi Aadan Tiiceey iyo waxgarad badan oo ka kala yimid magaalooyinka dalka Norway. Sidoo kale […]

Continue Reading

Daawo: Golaha Midnimada & Badbaada Galmudug oo ku baaqay in la badbaadiyo Galmudug

Golaha Midnimada iyo Badbaada Galmudug oo maanta shir jaraa’id ku qabtay xafiiskooda Magaalada Cadaado ayaa baaq u diray Dowladda Federaalka iyo Xildhibaanada Federaalka ee laga soo doorto Galmudug, iyagoo u baaqay in ay u istaagaan badbaadinta Galmudug, oo sida ay sheegeen Qar ka sii dhaceysa. Shirka Jaraa’id oo dhameystiran halkana ka daawo

Continue Reading

Doorashada Kursigii uu ka geeriyooday Bootaan Ciise oo dhawaan ka dhici doonta Dhuusomareeb

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka Qaranka Xaliimo Ismaaciil Ibraahim (Xaliimo Yarey) ayaa sheegtay in la qaban doono Doorashada Kursi ka banaan Golaha Shacabka oo laga soo doortay Galmudug. Guddoomiyaha ayaa sheegtay in 15-ka bishaan magaalada Dhuusamareeb ay ka dhici doonta Doorashada Kursigii uu ka geeriyooday Allaha U Naxariistee Xildhibaan Bootaan Ciise Caalin, islamarkaana ay […]

Continue Reading

Ugaaska Beesha Ceyr oo guddi u saaray Beelo ku dagaalamay Xananbuure (Sawirro)

Kulan ay galabta iskugu yimaadeen odayaasha dhaqanka, dhaliyrada, culimada diinta, haweenka iyo siyaasiyiinta beesha Cayr ayaa galabta ka dhacay Magaalada Dhuusamareeb Caasimadda Dowlad goboleedka Galmudug. Kulanka ayaa waxaa garwadeen ka ahaa Ugaaska Beesha Ceyre Habargidir Ugaas Xasan Ugaas Maxamed Ugaas Nuur  waxaa looga hadalayay sidii loo dhameyn lahaa colaada mudooyinkanba u dhaxeysay Jufooyin ka tirsan […]

Continue Reading

Akhriso: Tirsigii 61aad ee Wargeyska Gobollada Dhexe ee bisha April 2018

Tirsigii 61aad eeWargeyskaGobolladaDhexe, sanadka 2018, eebishaapril. Waxaan idin la wadaagaynnaa tirsigii 61aad ee Wargeyska Gobollada Dhexe, sanadka 2018, ee bisha April. Wargeyska bishan waxaad kahelidoontaan, warbixin dheer oo ku saabsan; shan sano guurada wargeyska Gobollada Dhexe, qoraal faaqidaya mideynta baarlamannada Galmudug iyo Ahlusunna, qormadii arrimaha bulshada iyo sawirro, ee fadlan si aad uga bogotaan, liilkan […]

Continue Reading

Sawirro: Askar ka tirsan Ciidamada Badda Galmudug oo tababar loo soo xiray

Askar ka tirsan ciidamada badda dowlad goboleedka Galmudug ayaa tababar loogu soo xiray Magaalada Boosaaso gobolka Bari, ciidamadan ayaa gaaraya ilaa 15 Askari, waxa ayna dhameysteen casharo iyo tababaro ku saabsan ka hortagga dambiyada ka dhaca xeebaha. Tababarkan ayaa waxaa bixinaysay UNODC. Sidoo kale 54 Askari oo kale ayaa iyana tababar ku qaadanaya dalka Jabuuti, […]

Continue Reading

Madaxweyne Xaaf oo u safray Jabuuti

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa shalay u safray dalka Jabuuti, Madaxweynaha oo doraad ka ambabaxay Caasimadda Dhuusamareeb ayaa Muqdisho ku sugnaa hal maalin. Ujeedada Safarka Madaxweynaha ayaa lagu sheegay arimo la xariira Dekadda Hobyo iyo kaluumeysiga Xeebaha Galmudug. Madaxweyne Xaaf ayaa xiriir fiican la leh dowladda Jabuuti, isagoo halkaas heshiisyo kula […]

Continue Reading