Ugaaska Beesha Ceyr oo guddi u saaray Beelo ku dagaalamay Xananbuure (Sawirro)

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Kulan ay galabta iskugu yimaadeen odayaasha dhaqanka, dhaliyrada, culimada diinta, haweenka iyo siyaasiyiinta beesha Cayr ayaa galabta ka dhacay Magaalada Dhuusamareeb Caasimadda Dowlad goboleedka Galmudug.

Kulanka ayaa waxaa garwadeen ka ahaa Ugaaska Beesha Ceyre Habargidir Ugaas Xasan Ugaas Maxamed Ugaas Nuur  waxaa looga hadalayay sidii loo dhameyn lahaa colaada mudooyinkanba u dhaxeysay Jufooyin ka tirsan Jilibka Yabardhowrakaco ee Beesha Ceyr. Beelahan ayaa ku dagaalamay deegaanka deegaanka Xananbuure waqooyi ka xiga Dhuusamareeb.

Gabangabadii Kulanka ayaa  ugaasku  magacabay gudi ka kooban 24 iskugu jira ganacsato odayaal dhaqan, dhalinyaro, culimo iyo haween. ugaaska ayaa kula dar daarmay Guddiga in ay cadaalad ku shaqeyaan, waxa uuna tilmaayay in aan xaalku sidii hore ahayn loona baahanyahay go’aan qaadasho adag.