Nabadoonada Beesha Gaabane oo ka horyimid hadalkii Ugaaska Saleebaan (Sawirro)

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Nabadoonada Beesha Gaabane Hirijire/Saleebaan ayaa maanta saxaafada ku lahadlay Magaalada Cadaado oo xarunta ku meelgaarkaa ee Dawlad Goboleedka Galmudug.

Qeybaha kala duwan ee bulshada sida Nabadoonada, Odayaasha, Haweenka iyo Dhalinyarada ayaa sheegay in ay Dhamaantood   isku raaceen in doorashada Xildhinaanka ee sanadka ay u rabaan Wiil maadaama ay gabadhaha soo hayeen 16 kii sano ee ugu dambeesay.

Nabadoon Cabdi Cali Xayle ayaa yiri “Muddo 16 sano ah waxa xilka noohaysay  Gabadha layiraa Caasha Xaaji, waxayna dayacday shaqadii xildhibaanimo ay laga rabay. Xildhibanadeena 4 tii dawladood ay ugu dambaysay xildhibaan bey aheed iska daa wax kaleev shirarka xildhibaanadda kama qeybgalin waligeed sidaa darteedwaxaan leenahay  looguma dari karno  wakhti kale madaama aysan waxba u qaban Bulshada ay mataleysay dayacdayna shaqadii loo igmaday”.

waxa kale oo halkaas ka hadlay mid ka mida Haweenka Gaabane Marwo Muna xaashi shaaciye oo sheegtay Gabdhaha Gaabane ineysan diyaar u aheyn in ay isa soo sharaxaan sababtoo ah waxan xilka heynay 16  sano marka Ragga ayaan dooranaynaa markaan waana cadaalad arintaas.

Shirkaan ayaa looga jawaabayey hadal uu shalay sheegay Ugaaska Beesha Saleebaan oo ah in kursiga beesha Gaabane – Saleebaan ay u tartamayaan gabdho kaliya.

received_10210898316358644

received_10210898321718778 received_10210898356479647 received_10210898356559649 received_10210898375480122 received_10210898382840306 received_10210898383320318 received_10210898439361719received_10210898350879507

Comments are closed.