Magaalada Dhuusamareeb caasimadda Dowlad goboleedka Galmudug waxaa maanta gaaray Wafdi uu hogaaminayo wasiirka Howlaha Guud iyo Dib u dhiska dowladda Federaalka Soomaaliya Eng. Saadiq C/
Wasiirka ayaa la filayaa inuu shirar la qaato Madaxda Dowlad goboleedka Galmudug iyo qeybaha Bulshada, sidoo kale waxuu kormeeri doono goobo ku yaal caasimadda Dhuusamareeb. Madaxweyne Farmaajo oo bishii Janaayo safar ku maray magaalooyin ka tirsan deegaanada Galmudug ayaa balanqaaday Mashaariic badan oo isugu jira dhismaha dekedda Hobyo, wadooyin, garoomo diyaaradeed iyo xarumo waxbarasho. Wasiirka ayaa dhowr cisho ku sugnaan doona Galmudug.