WFP oo Deked Kooban ka dhisaysa Hobyo (Sawirro)

Waxaa maanta gaaray Magaalada Hobyo saraakiil ka socota Hay’adda Cunada Adduunka WFP, Waana markii labaad oo bishaan gudaheeda tagaan Hobyo. Wafdigan ayaa waxaa halkaas ku soo dhaweeyey Wasiirka Dekedaha Galmudug Cabduqaadir Qalabxoor, Maamulka Degmada Hobyo. Ujeedada Saraakiishaan ayaa ah sidii ay u bilaabi lahaayeen dhismaha deked kooban oo laga dajin doono raashinka Mucaawinada ah ee […]

Continue Reading

Gudoomiyaha Dhalinayrada Hobyo oo la doortay (Sawirro)

Gudoomiyaha iyo Gudoomiye ku xigeenka Ururka Dhalinyarada degmada Hobyo ayaa lagu doortay Magaalo xeebeedka Hobyo gobolka Mudug. Doorashada Guddoonka dhalinyarada ayaa waxaa ku tartamay Afar ka mid ah dhalinyarada Hobyo. Waxaana goobjoog ka ahaa Wasiirka Dekedaha Galmudug Cabdulqaadir Qalabxoor, Gudoomiyaha degmada Hobyo Cabdullaahi Faat iyo masuuliyiin kale. Gudoomiyaha Dhalinyarada degmada Hobyo ayaa waxaa loo doortay […]

Continue Reading

Maxaa kasoo baxay Wadahadaladii Madaxda Galmudug uga socday Muqdisho?

Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf, Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi, Gudoomiyaha Barlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir iyo Wakiilka Ahlu Sunna Saadaq Sheekh Yuusuf ayaa maalmihii la soo dhaafay kulamo ku lahaa magaalada Muqdisho. Wadahadaladaan ayaa yimid kadib markii Dowlad federaalka ku caadaadisay Madaxda Galmudug in ay iyagu xaliyaan khilaafka ka dhaxeeya, Waxaana […]

Continue Reading

Xaqiiqooyinka Dastuurka cusub ee Galmudug Qeybta 5-aad

Cutubka Afarad. Hay’adaha iyo Guddiyada Dowladda ee Madaxabannaan. Qodobka 78aad. Hay’adaha Dowladda ee Madaxabannaan. 1) Hay’adaha Dowladda ee Madaxabanaan ee DGGM waa: a) Xeer-ilaalinta Guud ee DGGM; b) Hanti-dhowrka Guud ee DGGM; c) Xisaabiyaha Guud ee DGGM; d) Gudiga Shaqaalahahaa Rayidka ee DGGM. 2) Awoodda, xilalka iyo waajibaadka hay’adaha dowladda ee kor ku xusan waxaa […]

Continue Reading

Sh. Shaakir oo Daah furay Imitxaanka Dugsiyada Sare Galmudug (Sawirro)

Madaxa Xukuumadda Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa maanta Magaalada Dusmareeb caasimadda Dowlad goboleedka Galmudug ka daahfuray imtixaanka mideysan ee Dugsiyada Sare. Imitixaanka ayaa waxaa qaadistiisa iska kaashanaya Wasaaradda Waxbarashada Galmudug iyo Wasaaradda Waxbarashada Dowladda Dhexe, koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya ayaa maanta waxaa imtixaanka u fariisanaya 27600 Arday, Gobolka Banaadir kaliya ayaa waxaa imtixaanka […]

Continue Reading

Xaqiiqooyinka Dastuurka cusub ee Galmudug Qeybta 4-aad

Cutubka Saddaxaad. Qaab-dhismeedka Dowlad Goboleedka Galmudug (DGGM). Qodobka 32aad. Fidinta Awoodda Maamul ee DGGM. 1) Awoodda maamul ee DGGM waxaa lagu baahinayaa gobolada, degmooyinka iyo tuuloyinka; waxaa jiraya Goleyaasha Xeer-dejinta iyo Xukuumadda DGGM iyo maamulo laga soo doorto golayaasha heer gobol iyo heer degmo oo markooda soo dooranaya Guddomiyeyaasha heer gobol iyo heer degmo. 2) […]

Continue Reading

Maxamed Xaashi iyo Cali Gacal oo la kulmay Micheal Keating (Sawirro)

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi iyo Gudoomiyaha Barlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir ayaa la kulmay Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay Micheal Keating, kulankan ayaa ka dhacay Magaalada Muqdisho. Labada dhinac ayaa ka wada hadlay xaalada siyaasadeed ee ka jirta Galmudug, Xaashi iyo Casir ayaa hogaaminaya garab siyaasadeed ee ka soo horjeeda Madaxweynaha Galmudug […]

Continue Reading

Xaqiiqooyinka Dastuurka cusub ee Galmudug Qeybta 3-aad

Cutubka Labaad. Xuquuqda iyo Xorriyaadka Aasaasiga ah. Qodobka 10aad. Dhaqangelinta Qawaaniinta Caalamiga ah. DGGM waxay dhowreysaa Baaqa Caalamiga ah ee Xuquuqda Aadanaha iyo Xeerarka caalamiga ah ee guud ahaan la aqoonsanyahay iyo Qodobada Cutubka Labaad ee Dastuurka JFS uu ku xusayo xuquuqda iyo xorriyadaha aasaasiga ah DGGM, waxa ay dhaqangalin siineysaa Xeerarka iyo axdiyada caalamiga […]

Continue Reading