Maxamed Xaashi iyo Cali Gacal oo la kulmay Micheal Keating (Sawirro)

Wararka Galmudug Wararka Maanta
Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi iyo Gudoomiyaha Barlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir ayaa la kulmay Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay Micheal Keating, kulankan ayaa ka dhacay Magaalada Muqdisho.
Labada dhinac ayaa ka wada hadlay xaalada siyaasadeed ee ka jirta Galmudug, Xaashi iyo Casir ayaa hogaaminaya garab siyaasadeed ee ka soo horjeeda Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Xaaf. iyagoo ku eedeeyey Madaxweynaha inuu Maamulkii Galmudug gacanta u galiyey Ururka Ahlu sunna.
Dhanka Kale Dowladda Federaalka oo isku dayeysay in ay xaliso xiisadaan siyaasadeed ayaa ku guuldareysatay, waxaana warar saacadihii ugu dambeeyey soo baxay ay sheegayaan in Maxamed Xaashi iyo Cali Gacal oo hogaaminaya tiro xildhibaano ah ay dhawaan tagi doonaan Magaalada Cadaado, iyagoo taageero ka helay dadka deegaanka.
Sidoo kale Madaxweynaha Galmudug ayaa la filayaa inuu ku dhawaaqo Golihiisa Wasiirada cusub kadib marka uu ku laabto Magaalada Dusmareeb Caasimadda Galmudug, waxaana muuqata in ay Galmudug wajahi doonto kala qeybsanaan, iyo xaalad siyaasadeed oo cusub.