Gudoomiyaha Dhalinayrada Hobyo oo la doortay (Sawirro)

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Gudoomiyaha iyo Gudoomiye ku xigeenka Ururka Dhalinyarada degmada Hobyo ayaa lagu doortay Magaalo xeebeedka Hobyo gobolka Mudug. Doorashada Guddoonka dhalinyarada ayaa waxaa ku tartamay Afar ka mid ah dhalinyarada Hobyo. Waxaana goobjoog ka ahaa Wasiirka Dekedaha Galmudug Cabdulqaadir Qalabxoor, Gudoomiyaha degmada Hobyo Cabdullaahi Faat iyo masuuliyiin kale.

Gudoomiyaha Dhalinyarada degmada Hobyo ayaa waxaa loo doortay Cabdifitaax Maxamed Axmed halka Gudoomiye ku xigeen loo doortay Cadaawe, Gudoomiyaha degmada Hobyo ayaa goobta ka sheegay in taageeri doonaan dhalinyarada, sidoo kalena ay hayaan Mashruuc lagu dhisayo garoonka ciyaaraha.