Maxaa kasoo baxay Wadahadaladii Madaxda Galmudug uga socday Muqdisho?

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf, Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi, Gudoomiyaha Barlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir iyo Wakiilka Ahlu Sunna Saadaq Sheekh Yuusuf ayaa maalmihii la soo dhaafay kulamo ku lahaa magaalada Muqdisho.

Wadahadaladaan ayaa yimid kadib markii Dowlad federaalka ku caadaadisay Madaxda Galmudug in ay iyagu xaliyaan khilaafka ka dhaxeeya, Waxaana labada dhinac shirkoodii ugu dambeeyey yeesheen xalay. kaas oo garaba Maxamed Xaashi iyo Cali Gacal hor dhigeen garabka Xaaf 4 qodob oo kala ah

  1. Wax ka badalka Dastuurka Cusub Galmudug
  2. in Xarunta Barlamaanka noqoto Cadaado
  3. in laga laabto Mudada dheeraadka 4 Sano cusub
  4. in laga laabto Tirada Xildhibaanada Ahlu sunna

Dood dheer kadib Garabka Madaxweyne Xaaf ayaa sheegay in ay ogol yihiin in laba Qodob oo kala ah 1. wax ka badalka Dastuurka cusub 2. in Cadaado noqoto Xarunta Barlamaanka. Waxaana la isku mari waayey labada qodob ee kale. Waxaana loo balamay in kulan dambe la iskugu yimaado.

Waxaa cad in Madaxweyne Xaaf iyo Ahlu sunna aysan dooneyn in Barlamaanka la geeyo Cadaado, arintaas ayaa waxaa la cadeyn kuugu filan in Dastuurka cusub ee Galmudug aysan ku qorneyn in Barlamaanku ku shaqeynayo Cadaado, waxaana dadka badan kood u arkaan hadalka Madaxweyne Xaaf inuu iska jiheynayo Beesha Cadaado oo Qodobkaas aad ugu dhagan.

Madaxweyne Xaaf ayaa u muuqda inuu dhexgalay mashaqo siyaasadeed, isagoo maamulkii Galmudug gacanta ka galiyey Ururka Ahlu Sunna oo sida ay rabaan u maamushay. Waxaana sidoo kale jirta inuusan kaligiis go’aan gaari karin. Saadaq Sheekh Yuusuf oo ka mid ah hogaamiyayaasha Ahlu sunna ayaa la galay safarkiisii Baydhabo iyo shirarkiisa siyaasadeed ee ugu dambeeyey.

Dhanka kale Garabka Maxamed Xaashi iyo Cali Gacal ayaa ka gows heysta Dowladda Federaalka, waana tan keentay in ay diidaan sida uu Madaxweyne Xaaf wax u wado, iyadoo la ogsoonaa in ay markii hore Qeyb ka ahaayeen hanaanka wax u socdeen. sidoo kale Xaashi iyo Gacal ayaa intii ay joogeen magaalada Dusmareeb dhaliil u jeedinayey dadka diidan sida wax u socdeen.

Bulshada Galmudug ayaa ka dhursugaysa halka ay ku biyo shubtaan wada hadala u socda Madaxda Galmudug, iyagoo hadii ay ku heshiin waayaan laga cabsi qabo in ay sameysmaan laba Galmudug oo kala fadhiya Cadaado iyo Dusmareeb. Gabagabadii khilaafka Madaxda Galmudug ayaa salka ku  haya sidii ay saameyn ugu yeelan lahaayeen doorashada 2021.