AlShabaab oo caawa kulaalaya Ceelhuur iyo Barakac ka socda

War goordhow naga soo gaaray magaalo xeebeedka Ceelhuur ee gobolka Mudug ayaa sheegaya in duleedkeeda ay soo buuxiyeen ciidamo ka tirsan Alshabaab. Ciidamadan ayaa laba jiho uga soo dhaqaaqay, dhanka wadada Camaara ka timaada, oo ay galabta soo gaareen deegaanka Baraag Fareey oo 20 km waqooyi galbeed uga beegan Ceelhuur, halka caawa ay ciidamada Shabaabka […]

Continue Reading

Sawirro: Sh. Maxamed Shaakir oo ka qeybgalaya Caleemasaarka Madaxweynaha

Hogaamiyaha maamulka Ahlu sunno Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa maanta gaaray magaalada Muqdisho, Sheekha ayaa ka qeyb galaya caleemasaarka Madaxweynaha cusub Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo beri  ka dhaceysa magaalada Muqdisho. Hogaamiye shaakir ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde kusoo dhaweeyey Madax iyo saraakiil ciidan oo dowlada ka tirsan. Dowlada Soomaaliya ayaa casuumaad u […]

Continue Reading

Alshabaab gudaha u galay magaalada Camaara

Wararka naga soo gaaraya magaalada Camaara ee koofurta gobolka Mudug ayaa sheegaya in goordhow gudaha magaalada usoo galeen ciidamada ururka Alshabaab. Ciidamadan ayaa wata gaadiid dagaal, waxa ayna gudaha magaalada ka xirxireen dad rayid ah, shacabka ayaa ku sugan guryahooda, iyadoo qaarkood magaalada ka baxeen inta Alshabaab soo galin magaalada. Alshabaab ayaa shalay kasoo ruqaansaday […]

Continue Reading

Sawirro: Ururka dhalinyarada Galmudug oo deeq gaarsiiyey dadka abaartu saameysay

Deegaanada dowlad goboleedka Galmudug ayaa waxaa ku dhufutay abaar daran, waxaana inta badan gacanta ka baxay xoolihii ay dhaqanayeen reer  miyigu, tani waxa ay sababtay in dad badan u guuraan dhanka tuulooyinka iyo magaalooyinka waaweyn. Gurmadka abaaraha ayaa waxaa ka qeyb qaatay qeybaha bulshada, maanta ayaa ururka dhalinyarada Galmudug waxa uu deeq raashin ah gaarsiiyey […]

Continue Reading

Madaxweynaha Galmudug oo safar caafimaad ku aaday dalka Hindiya

Sida ay inoo xaqiijiyeen ilo xog-ogaal ah Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug mudane C/kariin Xuseen Guuleed ayaa safar aan la shaacin ku aaday dalka Hindiya, Safarka Madaxweynaha ayaa ah arimo caafimaad, Waxaana bishii Luulyo ee sanadkii hore qaliin dhanka wadnaha loogu sameeyey dalka Hindiya, waxaana xiligaas balantu aheyd inuu 6 bil ka dib dhaqtarkiisa ku laabto, […]

Continue Reading

Alshabaab oo Dhaqdhaqaaq xooggan ka wada koofurta Mudug

Wararka naga soo gaaraya koofurta gobolka Mudug, gaar ahaan deegaanada Ceel cabdi iyo Saddex geed xarar oo hoosta taga degmada Xarardheere, ayaa sheegaya in ay halkaas dhaqdhaqaaqyo ciidan ka wadaan ururka Alshabaab, ciidamadan oo aad u badan ayaa wata gaadiid isugu jira waaweyn iyo yar yar. ciidamadan ayaa goordhow jaray wadada isku xirta Magaalooyinka Ceelhuur […]

Continue Reading

Dadkii Cadaado tagay colbaa ku dabajira!

Dadkii Cadaado tagay colbaa ku dabajira! Doorashada dadban waxaa laga dheefay, in beeluhu awood u yeesheen, in xildhibaannada lagu so xulo magaalooyinka ay ka soo jeedaan iyo deegaannada ay metelidoon. Waxay eheed tallaabo ahmiyaddeeda leh, oo laga dhaxlay waxyaabo ay dhaqaale, dhaqan ogaasho iyo dhalyobarasho ay ka mid tahay. Wax walba dhib iyo dheef ayey […]

Continue Reading

Gudoomiye ku xigeenka Barlamanka Galmudug oo Cadaado kusoo laabtay

Guddoomiye ku xigeenka Koowaad ee Baarlamaanka Maamulka Galmudug Xareed Cali Xareed iyo Wafdi Xildhibaano ah oo uu hogaaminaayay, ayaa goordhow soo gaaray magaalada Cadaado ee xarunta Kumeelgaarka ah ee dowlad goboleedka Galmudug. Xareed Cali Xareed iyo Xildhibaanada la socda ayaa horay loogu diiday inay ka dhoofaan Garoonka Aadan Cadde, Xildhibaanadan ay kasoo horjeeda Madaxweynaha Galmudug […]

Continue Reading