Sawirro: Ururka dhalinyarada Galmudug oo deeq gaarsiiyey dadka abaartu saameysay

Uncategorized Wararka Galmudug Wararka Maanta

Deegaanada dowlad goboleedka Galmudug ayaa waxaa ku dhufutay abaar daran, waxaana inta badan gacanta ka baxay xoolihii ay dhaqanayeen reer  miyigu, tani waxa ay sababtay in dad badan u guuraan dhanka tuulooyinka iyo magaalooyinka waaweyn. Gurmadka abaaraha ayaa waxaa ka qeyb qaatay qeybaha bulshada, maanta ayaa ururka dhalinyarada Galmudug waxa uu deeq raashin ah gaarsiiyey deegaano hoostaga degmada Cadaado

Ururka dhalinyarda Galmudug ayaa 100 qoys oo ku dhaqan deegaanka Qofsaar gaarsiiyey raashin qalalan, waxaana arinta aad uga mahad celiyey bulshada deegaanka, deeqaan ayey dhalinyaradu jeebkooda kasoo gadeen, waxaana tani muujinaysa in ay muhiim tahay in bulshadu is caawiso xiliyadan oo kale.

Gudoomiyaha ururka dhalinyarada Galmudug Caruuse Macalin Maxamed ayaa goobta ka sheegay in ay deegaano kalena gaarsiin doonaan deeq isugu jirta raashin iyo biyo dhaamin, ayna waajib ku tahay in ay dadkooda dhibka la qeybsadaan.

dadka reer guuraaga ah ayaa aad u saameysay abaaraha, waxaana gaabis ah kaalmaha ka imaanaya hay’adaha samafalka, waxaana xusid mudan in inta badan hay’aduhu la soo daahaan deeqaha ay bixiyaan.

 

FB_IMG_1487608019531 FB_IMG_1487608028425 FB_IMG_1487608033982 FB_IMG_1487608037307 FB_IMG_1487608042584 FB_IMG_1487608050141 FB_IMG_1487608068587