Madaxweynaha Galmudug oo u hambalyeyey Ra’iisulwasaaraha Cusub

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Mudane C/kariin Xuseen Guuleed ayaa u hambalyeey Ra’iisulwasaaraha cusub ee uu saaka magacaabay Madaxweynaha Jamhuuriyada.

FB_IMG_1487832953746

Mr. Guuleed oo howlo caafimaad ugu maqan dalka Hindiya ayaa bartiisa Facebookga ku yiri sida : “Hambalyo Hambalyo Hambalyo Raisu Wasaaraha Cusub ee la magacaabay Mudane Xasan Cali Kheyre oo ah runtii qof karti iyo firfircoonaan aan ku aqaano wax weyna qaban kara waxaan leeyahay alaha kuu fududeeyo”

Sidoo kale warsaxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada Galmudug oo nuqul ka mid ah lasoo gaarsiiyey shabakadda Ceelhuur Online ayaa u qornaa sidan

Hambalyo Hambalyo Hambalyo

Dowlad Goboleedka Galmudug waxay halkaan uga diraysaa hambalyo iyo bogaadin Ra’iisul Wasaraha Cusub ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xassan Cali Kheyre oo loo magacaabay xilka Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Xulashada Ra’iisulwasaaraha cusub ayaa muujinaysa in Madaxweynuhu uu si degan oo Soomaalinimo kujirto usoo doortay Ra’iisul Wasaare aqoon leh, dhalinyaro ah, lagu yaqaan karti iyo hufnaan.

Xulashadan waxaa kale oo ay muujinaysaa in Madaxweynuhu uu ka dhabeeyey balan qaadkii uu shacabka u sameeyey oo ahaa in dowladdiisu ay ka shaqeyn doonto Sareynta Sharciga, taasna waxaa lagu gaari karaa oo kaliya in dalka taladiisa loo dhiibo dhalinyaro aqoon, wadanimo iyo hufnaan lagu yaqaan.

Waxaa ummadda Soomaaliyeed ka rejeyneynaa xildhibaanada sharafta leh in Ra’iisul Wasaaraha cusub ay gacan ku siiyaan sidii loo ansixin lahaa magacaabistiisa iyo lashaqeyntiisa Dowlad Goboleedka Galmudug waxay Ilaahay uga baryeysaa Ra’iisul Wasaaraha cusub inuu u horseedo ummadda Soomaaliyeed nabad, midnimo, horumar iyo cadaalad ay kaga kabsadaan dhibaatada iyo abaaraha hareeyey.

Dhammaad