Yuusuf Garaad: Cashar ma noogu jiraa maaryenta weerarkii Dusit?

Weerarkii Westgate iyo weerarkii Dusit labadaba waxaan joogay Nairobi. Waxaan daawanayay Telefishinka, dhegeysanayay idaacadaha, akhrinayay wargeysyada, dhex mushaaxayay saxaafadda bulshada, la sheekeysanayay Kenyan iyo ajnebi.Waxaa hubaal ah in ciidanka amniga ee Kenya, siyaasiyiinta, suxufiyiinta iyo xataa shacabku ay wax weyn ka barteen weerarkii Westgate taas oo daliisheedu ay tahay sida ay Kenya ula falgashay weerarka […]

Continue Reading

Dhismaha Dugsiga Hoose/Dhexe Cadakibir oo la xarig jaray (Sawirro)

Dhismaha Dugsiga Hoose/Dhexe ee deegaanka Cadakibir ayaa maanta xarigga laga jaray, Dugsigan oo ka kooban 5 fasal , xafiisyo iyo darbi wareeg ah. Dugsigan ayaa waxaa dhisay jaaliyadaha dibadda iyo ganacsato ee ka soo jeeda deegaankan, waxaana ku baxay qarash gaaraya 35,000 dollarka Maraykanka. Madaxweynihii hore Ximan iyo Xeeb Maxamed Cabdullaahi Aadan Tiicey ayaa xarigga […]

Continue Reading

Cumar Samatar & Maxamed Afrax Garuun… W/Q: Yahye Amir

Cumar Samatar & Maxamed Afrax Garuun. Dagaaladii Boqortooyadii Majeerteenka iyo Hawiyaha dhax maray. Cumar Samatar ma waxa uu ahaa Gumeysi la dirir mise Gumeysi kalkaal? Cumar Samatar Rooble waxa uu ku dhashay magaaladda Caluula,waxaa uu ahaa taliyaha ciidankii Ali Yusuf. Boqorkii Majeerteen ee ka talinayay deegaanka Hobyo ayaa kula heshiiyay Talyaaniga in uu dagaal la’aan ku […]

Continue Reading

USAID oo 5 Milyan Dollar ku taageeraysa Waxbarashada Gabadhaha Soomaaliya

Wasiirka waxbarashada xukuumadda federaalka Soomaaliya Cabdulahi Goodax Barre iyo madaxa hay’adda DFID ee Soomaaliya Phil Evans ayaa magaalada Muqdisho ku kala saxiixday shan milyan oo dollar oo lagu tageerayo sidii loo horumarin lahaa waxbarashada, gabdhaha. Shantan milyan ee dollar ayaa waxaa bixineysa  hay’adda USAID ee laga lee yahay dalka Mareykanka, waxana heshiiska goob joog ka […]

Continue Reading

Aqoon isweydaarsiga Sannadlaha Afraad ee Cilmibaarista Soomaaliyeed (ACSOS2018) oo ka Furmay Muqdisho

Waxaa maanta oo Taariikhdu ku beegan tahay 13 November furmay Aqoon isweydaarsiga sannadlaha afraad ee cilmibaarista Soomaaliyeed (ACSOS2018), oo uu soo qabanqaabiyay Machadka Cilmibaarista Soomaaliyeed, oo magaciisa loo soo gaabiyo (ISOS), oo hoos taga Jaamacadda Muqdisho. Aqoon isweydaarsigan oo socon doona muddo saadex maalmood ah, waxaa ka soo qayb galay aqoonyahanno iyo cilmi baarayaal ka tirsan jaamacadaha […]

Continue Reading

Keydka Dahabiga ah ee Radio Muqdisho W/Q: Axmed Suudaani

Radio Muqdisho Codka Jamhuuriyadda Soomaaliya, waxaa uu ka mid yahay warbaahinta ugu faca weyn Geeska Afrika gaar ahaan soomaaliya, waxaana la sheegaa in maqalkeedu uu gaari jiray ama laga dhageysan jiray qaaradaha Africa, Asia iyo iyo qeybo ka mid ah Yurup sanadihii todobaatameeyadii. Dab ayaa maanta ka kacay keydka hadalka Radio Muqdisho Codka Jamhuuriyadda Soomaaliya, […]

Continue Reading

Maxaad ka ogtahay qorshaha Isdhexgal Goboleedka Madaxda bariga Afrika wadaan ?

Abi Axmed wuxuu wadaa qorshe lagu dhisayo waxa loo yaqaan ( Regional Integration) Isdhexgal Goboleed. Qorshahan waa qorshe fog wuxuuna marayaa heerar kala duwan, marka hore waxaa la dhameynayaa khilaafka, colaadaha iyo kala shakiga ka jira wadamada Itoobiya, Eretareeya, Soomaaliya iyo Jabuuti kadib waxaa la dhisayaa gole ka shaqeeya dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo siyaasada sidii […]

Continue Reading

Xal Ayuu Leeyahay Khilaafka Dowladda Federaalka & Dowlad-goboleedyada

Soomaaliya waxay dhexda uga jirtaa khilaaf siyaasadeed oo khatar ah, keenina kara in ay kala daataan guulihii ballaarnaa ee laga gaaray nabadaynta iyo qarandhisidda tan iyo sannadkii 2012-kii, markii uu dhammaaday xilligii ku-meelgaarnimada. Baaqii 8-dii September 2018 ay madaxda shanta maamul goboleed ku sheegeen in ay hakiyeen wada-shaqeyntii dowladda federaalka, waa arrin sababo badan dartood […]

Continue Reading

Yaa Dilay Aamina Xusseen Xassan ?

Warkii ugu danbeeyay ee na dhex mara 7 casho ka hor intaan lagu toogan gudaha fasalkay dhiganaysay Aamina waxaa ka mid ahaa ‘’Adeer saraakiil laba wajiilayaal ah ayaa kusoo batay Hay’addii. Naftayda kuwaas ayaan uga baqayaa Shabaabka ayagaa  ka xun’’, Aamina oo 10 Gu’ iyo dheeraad ka mid ahayd Saraakiisha Hay’adda Nabad Sugidda Soomaaliya waxay […]

Continue Reading