Aqoon isweydaarsiga Sannadlaha Afraad ee Cilmibaarista Soomaaliyeed (ACSOS2018) oo ka Furmay Muqdisho

Arimaha Bulshada Wararka Maanta WAXBARASHADA

Waxaa maanta oo Taariikhdu ku beegan tahay 13 November furmay Aqoon isweydaarsiga sannadlaha afraad ee cilmibaarista Soomaaliyeed (ACSOS2018), oo uu soo qabanqaabiyay Machadka Cilmibaarista Soomaaliyeed, oo magaciisa loo soo gaabiyo (ISOS), oo hoos taga Jaamacadda Muqdisho.

Aqoon isweydaarsigan oo socon doona muddo saadex maalmood ah, waxaa ka soo qayb galay aqoonyahanno iyo cilmi baarayaal ka tirsan jaamacadaha iyo xarumaha cilmi baarista ee ku yaala dalka oo tiradoodu gaarayso in kabadan (150) aqoonyahan. Sidoo kale waxaa kaqaybgelaya waxgarad katirsan qaybaha bulshada.Soomaaliyeed.

.
Aqoon isweydaarsiga sannadkan waxaa halkudheg u ah: “Soomaalida Dunida ku Baahsan iyo Waayaha Maanta”  “Somali Globalised Society: Dynamics & Challenges”

 

Xafladii  furitaanka Ugu horayn waxaa ka hadlay agaasimaha machadka ISOS Ustaad Mustafa Cabdullaahi Fayruus oo ka jeediyay hadal isugu jiray soo dhawayn iyo warbixin ku saabsanayd hab socodka barnaamijka, waxaana uu sheegay in lagu soo bandhigayo in ka badan (30) daraasadood iyo cilmi baarisyo ku saabsan sooyaalka iyo waayaha Soomaalida.

“Aqoon isweydaarsiga Sannadlaha ee Cilmi baarista Soomaaliyeed waa madal cilmiyeed uu sanad kasta qabanqaabiyo machadka cilmibaarista Soomaaliyeed (Machadka ISOS) oo ah xarun cilmi baariseed ka tirsan Jaamacadda Muqdisho” ayuu hadalkii kusoo gebagebeeyay agaasimaha machadka ISOS

Waxaa sidoo kale madasha aqoon iswaydaarsiga ka hadlay Dr. Cabdishakuur Sheekh Xasan Fiqi oo ah agaasimaha Tacliinta sarre iyo cilmibaarista ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sarre ee Dawladda Federaalka Soomaaliyeed ayaa ku amaanay machadka ISOS howlaha uu cilmi baarista ka qabto, wuxuuna ku booriyey inay dadaalkaa sii laba laabaan.

Ugu dambayn kusimaha guddoomiyaha ahna guddoomiye kuxigeenka Jaamacadda Muqdisho Prof. Maxamed Xuseen Ciise (Dr. Liibaan) ayaa u mahadceliyay aqoonyahanka ka soo qayb galay iyo cilmi baarista wax ku oolka ay soo jeedin doonaan wuxuuna u rajeeyay inuu guul ku dhamaado xoogana la saaro in dadaal xoog leh loo galo in dalka cilmi  baarisyo badan laga sameeyo.

Aqoon iswaydaarisiga  ayaa maalintiisii Koowaadna wuxuu ku soo dhamaaday guul.