Guulaha Md Farmaajo iyo Miisaankii Shalay!

Arimaha Bulshada Qalinka Qoraaga Wararka Maanta

Guul waqtiyeed oo uu madaxweynaha gaaray keliya looma fasirin; waxay noqotay faan loo sammeeyay hal-heys, “Kheyre ku arag, Farmaajo kuu aamus”. Guulaha laga hadlayo ma aha waxqabad ee waa in qof siyaasi la rabbaayadeeyo, markuu diidana sharci iyo sharci darraba hadduu xil hayayna looga qaado, ama la weeraro.

Waxaa guulo loo mashxaradeeyo noqday in Taabit, Jawaari, wasiiro, guddoomiyahaasha heerarka maxkamadaha, saraakiisha ciidanka iyo nabad sugidda xilalka laga qaado. Waxaa loo dabbaal dagay weerarkii sharci darrada ahaa ee lagu qaaday Cabdiraxmaan Cabdishaluur, afduubkii Roobow, kala diristii guddiga maaliyadda ee baarlamaanka, cadaadintii Shariif Xasan iyo natiijadii doorashadii Koonfur Galbeed, ceyrintii Haysom iyo soo dhoweynta in isla qof ajnabi ah bankiga dhexe sidii loogu dhiibi lahaa shuruucda dalka loo beddelo.

Is qab qabsiga siyaasiyiinta iyo xil ka xayuubinta muddaba way taagneyd oo madaxweyne Farmaajo lama billaaban. Madaxweyne Cabdiqaasim waxay is qabteen guddoomiyihii Baarlamaanka Cabdalla Deerow AUN wuxuuna ku beddelay Mustaf Mukhtaar Guudow, waxay is qabteen RW Galeyr, wuxuu ku beddelay Xasan Abshir, oo markii ay is qabteen uu ku sii beddelay Maxamed Cabdi Yuusuf, wuxuu dhowr jeer magacaabay guddoomiyayaal gobolka Banaadir.

Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf AUN wuxuu beddelay guddoomiyihii baarlamaanka Shariif Xasan oo uu weliba dalka ka saaray, wuxuu ku beddelay Sheekh Aadan Madoobe, wuxuu beddelay RW Cali Geedi, keenay Nuur Cadde, kaddib ku sii beddelay Gacma Dheere; wuxuu beddelay oo uu weliba xabsiga dhigay guddoomiyihii maxkamadda sare Haaruun, wuxuu xabsiga u taxaabay nabaddoonno ay ka mid yihiin AUN Axmed Diiriye.

Madaxweyne Sheekh Shariif wuxuu beddelay guddoomiye baarlamaan; wuxuu beddelay laba RW. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu beddelay laba RW oo uu weliba si sharci ah baarlammaanka u hor geeyay codna loo qaaday, wuxuu gobolada qaar geystay siyaasiyiin asaga uu wato.

Is qabqabsiga iyo xil ka xayuubinta waqtigiyadii Cabdiqaasim, Cabdullaahi Yuusuf, Sheekh Shariif iyo Xasan Sheekh waxaa loo arkayay ceeb iyo guul darro siyaasadeed; hadda waxaa loo sameystay halheys, waana wax lagu faanno in qof siyaasi ah oo xilka laga xayuubiyo ama la xiro ama la weeraro.

In wax muddo loo arkayay guul darro ay maanta madaxda Villa Soomaaliya iyo shacabka qaar ay ugu muuqdaan guulo waaweyn waxay leedahay laba fasiraad:

1- Qofka marka uu aaminsan yahay in uu awood leeyahay waxaa laga filanayaa in uu u turo inta ka tabar daran, hadduu awood isticmaalana wuu ku ceeboobaa. Qofka aaminsan in uu aad u tabar daran yahay, jug walba oo uu u geysto qofka ka soo horjeeda wuu u dabbaal degaa. Waa sababta Falastiiniyiinta marka ay qaraxyo geystaan ay Carabtu ugu dabbaal degaan, marka ay Israa’iil wax duqeysana adduunka u cambaareeyo. Siyaasiyiinta Villa Somalia joogta ayaa markaan aaminsan in ay aad u tabar darnaayeen, oo waxyeelo walba ay geystaan ugu fasirta guul.

2-Shacabkii is qabqabsiga necbaa, qaarkood waxaa maan rogay warbaahin lacag badan la geliyay iyo shaqsiyaad guul darada u tarjuma guul la gaaray.

Xil xayuubin, xoog iyo sharci darro mar walba waa u guul darro iyo curyaamin inta isku il ku eegta shalay iyo maanta.

Marka laga reebo Md. Cabdullaahi Yuusuf oo aanan waraysan, madaxdii kale waan waraystay. In ay madax xilka ka qaadaan uma heysan guul, waxay u heystaan wax ay duruuftu ku kaliftay, oo ay ka fursan waayeen, waxyeelana lahayd.

Farmaajo waa mas’uulka keliya ee si bannaan-yaal ah ugu faana godobta iyo dhaawacyada uu geystay.

Ha moogaanina miisaankii shalay!

W/Q: Hassan Adan Hosow