Cali Guudlaawe oo amray in gacanta lagu soo dhigo rag kufsi geystay

Wararka Maanta

Cali Cabdulaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) Madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle  ayaa shalay gelinkii dambe dib ugu laabtay magaalada Jowhar caasimadda Dowlad goboleedka Hirshabeelle kadib markii toddobaadyadii la soo dhaafay ay ku sugnaa magaalada Muqdisho.

Madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle Cali Guudlawe oo ka warbixiyay safarkii ay ku maaqnaayeen ayaa intaasi kadib waxa uu amar ku bixiyay in ciidamada booliska ay gacanta ku soo dhigaan isla markaana sharciga horkeenaan dadkii ka dambeeyay fal kufsi ah oo loogu geystey mid kamid ah xeryaha barakacayaasha magaalada Jowhar haweeney 85 sano jir ah.

“Waxaan u ballanqaadayaa abaalmarin wanaagsan ciddii gacan ka geysata sidii loo soo heli lahaa dadkii ka dambeeyay falka kufsiga ah oo aan hore loogaga baran gobolka Shabeellaha Dhexe.” Ayuu yiri Madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle.

Marka laga soo tago hadalka Madaxweyne kuxigeenka Hirshabeelle Cali Guudlaawe ayaa Booliska Hirshabeelle maalmo kahor waxay soo bandhigeen Saddex nin oo la tuhunsan yahay inay wax ka ogaayeen falka kufsiga ah, balse cadeymo rasmi ah laguma hayo.

Wariyeyaasha ku sugan magaalada Jowhar ayaa maqal iyo muuqaal ahaan u baahiyay dhibaatada lagula kacay Haweeneyda Da’da ah, intaasi kadib warqad ka soo baxday Wasaaradda Warfaafinta Hirshabeelle ayaa waxaa wariyeyaasha looga digay inay baahiyaan wararka xasarada abuuri kara iyaga oo aanan fasax ka heysan Hirshabeelle.

Tagged