Xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliya oo la fasaxay

Wararka Maanta

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BFS Mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa xildhibaanada Golaha Shacabka ku wargeliyay in kalfadhigii Saddexaad ee Golaha Shacabka uu xirmay 10-ka bishan luulyo 2018.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa xildhibaanada u rajeeyay nasiino wanaagsan, waxaana xildhibaanada ay soo laabanayaan 10-ka September 2018, sida ku cad warqada ka soo baxday xafiiskiisa.

Kalfadhigan 3-aad ayaa waxaa 10-kii Maarso ee sanadkan furay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo).

Sida uu dhigayo Dastuurka KMG ah ee dalka Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa sanad walba waxa ay yeeshaan laba kalfadhi, iyada oo kalfadhi kasta oo ka mid ah kalfadhiyada uu soconaya mudo ku siman Afar bilood.

Warqada fasaxa ee xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa waxaa la ogeysiiyay Golaha Wasiirada Soomaaliya, Guddoomiyaha Golaha, Aqalka Sare iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/laahi Maxamed.